Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan dhex maray xukuumadda iyo qoysaskii askartii lagu laayay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan dhex maray xukuumadda Somaliland iyo qoysaskii askartii lagu laayay Naaso-hablood

Waxa maanta kulan balaadhan yeeshay xukuumadda Somaliland iyo ehelada askartii ciidanka qaranka ka tirsanaa ee ay ciidanka Boolisku dileen kadib markii ay labada ciidan isku dhaceen.

Isku dhacaasi oo ka dhashay markii niman shicib ah oo hubaysani ay ciidhmada qaranka askartaasi ka tirsan oo hurday ay salaadii subax kadib ay rasaas la dhaceen iyaga oo hurda kadibna ay dileen hal askari xaga ay ka dhaawaceen mid kale.

Markii dilkaasi iyo dhaawacaasi ay ragaasi shicibka ahi ay gaysteen ayay baxsadeen waxana goobtaasi yimid ciidanka Booliska oo xoogan, waxana ay ciidanka Boolisku bilaabeen in guryihii ragaasi u dhisnaa la dumiyo waxana bilaabmay buuq iyo rasaas waxana goobtaasi oo ku taala dhanka galbeed ee buuraha Naaso-hablood ay ciidankg Boolisku ku dileen laba ka mid ahaa askartii danyarta ahayd ee meeshaasi deganaa sidoo kale waxa isna ku dhintay iska hor imaadkaasi hal askari oo ka mid ahaa ciidanka Booliska, waxana ay ciidanka Boolisku la wareegeen guryihii ay deganaayeen ciidankaasi ka tirsanaa ciidanka qaranka, waxa ay xabsiga u taxaabeen 6 ka mid ahaa askartaasi xaga qaar kalena ay baxsadeen.

Waxana cagaf la mariyay oo la dumiyay guryahoodii.

Waa maxay sababta ay ciidamada iska hurday aqaladoodii ay rag shicib ah oo hubaysani ay u weerareen ee ay u dileen hal askari una dhaawaceen mid kale?

Su’aashaasi ilaa hada cid ka jawaabi karta oo aan iyaga ahayni ma jirto.

Waa maxay sababta ay ciidanka Boolisku u dumiyeen guryaha ragaasi askarta ahaa ee la weeraray itaga oo iska hurda?

Goobta ay deganaayeen ciidanka la laayay ee gurahooda la dumiyay ayaa ahayd dhul dan guud ah oo si xoog ah ay ku dageen halkaasi 9 bilood ka hor waxana ay Boolisku sheegayaan in xabada ay bilaabeen askarta guryahooda duminaayay.

Yaa lahaa markii hore dhulkan la isku haysto siduu dawlada ku soo galay?

Dhulkani waxa laga soo jaray beero ay lahaayeen qoysas ka soo jeeda bariga Hargeysa kadib markii beerahooda la qorsheeyay, waxana loogu tala galay in dhulkaasi lagu ilaaliyo oo loo daayo bilicda buuraha Naaso-hablood.

Hadaba hadaan u soo laabano kulankii maanta dhex maray wasaarada arimaha gudaha iyo eheladii askartii dhimatay oo wali maydkoodu uu yaalo cisbatalka guud ee Hargaysa, ayaa xukumadu waxa ay ehelada askartaasi dhimatay ay u soo jeediyeen in ay maydka aastaan xukumaduna ay bixinayso kharashka aaska isla markaasina ay bixinayso magta askartaasi, isla markaasina arinka sidaasi lagu soo af jaro.

Sidoo kale waxa ay xukuumaddu ay ku war galisay qoysaskaasi in ay hayaan ragii dharcada ahaa ee weerarka u gaystay askarta ee dilay ha askari isla markaasina dhaawacay mid kale in kasta oo ay sheegeen in ay ku daba jiraan qaar baxsaday, dhamaana sharciga la hir keeni doono.

Sida ay wararku sheegayaan ehelada askarta la laayay way diideen in ay maydka aastaan isla markaasina mag qaataan.

Waxana ay codsadeen in arinka baadhitaan lagu sameeyo oo xukumadu ka jawaabto sababta loo laayay wiilashooda iyaga oo dhibane ahaa oo rag dharcad ahi ay soo weerareen iyo sababta guryahooda loo dumiyay, waxana ay codsadeen in raga xidhan la sii daayo sidoo kale guryihii la dumiyay dib loo dhiso oo faraha looga qaado arinkaasi oo la isku mari waayay waxa loo balansanyahay maalinta sabtida waxana doodaasi lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan ciidanka Booliska iyo dawlada hoose ee Hargaysa, hadii sabtida uu dhici waayo heshiis lagu wada qancaa waxa cisbatalka sii ooli doona raga maydka ah ee ay dileen ciidanka Boolisku tan iyo inta la gaadhi doono heshiis rasmi ah sidaasi oo ay ku doodayaan ehelada askarta dhimatay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this