Sign in to follow this  
General Duke

Asmara Clowns at war: Aways Vs Sharif

Recommended Posts

Jabuuti: Kooxaha Mucaaridka Dawlada oo labo garab u kala jabay

16. maj 2008

 

Jabuuti (AllPuntland) - Iyadoo maalmahanba ay isa soo tarayeen khilaafka baahsan ee Kooxaha Mucaaridka Dawlada u dhaxeeya ayaa waxaa taas daboolka ka qaaday Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee fadhigiisu yahay Casmara.

 

Kooxaha Mucaaridka ayaa la sheegayaa in ay labo garab ay u kala jabeen, taasoo sida muuqata fariisimo ka kala dhigtay Magaalooyinka Doxa iyo Casmara.

 

Khilaafka Mucaaridka ayaa ku saleysan Shirka ka socda Magaalada Jabuuti ee Dib u Heshiisiinta Dawlada Soomaaliya iyo Kooxaha Mucaaridka, taasoo ay garwaden ka tahay Qaramada Midoobey.

 

Inkastoo beryihii u dambeeyay uu muuqday mad madowga dhinacyadaas, ayaa hadana waxaa shaaca arintaas ka qaaday Shiikh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbaheysiga oo qirey jiritaanka Khilaafka isbaheysiga.

 

Wuxuu ku andacoonayaa in aanu jirin wax wada tashi ah oo ay xubnaha kale ee Isbaheysiga kala soo sameeyeen Shirka Jabuuti, wuxuuna gebi ahaanba qaadacaday Shirka.

 

Ilo wareedyo ku dhow Kooxaha Mucaaradka ayaa sheegaya in Labada Garab ee ay u kala jabeen Labadaas dhinac ay yihiin kuwo ay kala hogaamiyeen Shiikh Shariif iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah raga Mareykanka liiska ugu jiro.

 

Isbaheysiga Casmara ee sanad ka hor lagu soo dhisay wadanka Eretariya waxaa u muuqanayaa mid bur bur dhex la galaya, marka loo eego fikradaha labada dhinac kala aamisan yihin ee ku wajahan masiirka Soomaaliya.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aweys oo qirey khilaaf

16 May 16, 2008 - 9:11:17 AM

 

Guddoomiyihii hore ee golihii shuurada ee Maxkamadaha haddana ka midka ah golaha dhexe ee Isbahaysiga Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa qiray inuu jiro khilaaf baahsan oo u dhexeeyay Isbahaysiga mucaaradka ee xaruntiisu tahay Asmara.

 

Sheekh Aweys, wuxuu dabooolka ka qaaday in khilaafka u dhexeeya golaha uu yahay mid soo jireen ah oo muddo soo jiitamayay, haddana uu dibadda u soo baxay isagoo shegay soo shacbixiisa ay ka dambeyso kadib markii xubno ka tirsan Isbahaysiga ay billaabeen inay dano-gaar ah ku fushadaan mas'uuliyada ay u hayaan Isbahaysiga Asmara.

 

"Khilaafku waa mid jira, waxaana keenay kaddib markii la iska aaday shir aan taladiisa la isku darsan oo ay si gooni ah u abaabuleen Sheekh Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Asmara.

 

Aweys, wuxuu sheegay in shirka ka socda Jabuti uu yahay mid aan la isku racsanayn, sidaa daraadeedna u arkaan inuu yahay mid aan danaha Isbahaysiga ka tarjumayn, balse dad uu damac galay ay dabada ka wadaan.

 

"Hal booli ah nirig xalaala ma dhasho ayaa la yiri, shirka xubnaha ka qaybgalaya waa kuwo si gaar ah dhabarka looga taabtay, mana raacayno qodobada kasoo baxa, waxaana qabannay shir jaraa'id oo aan dunida ugu sheegayno in shirkaas uu yahay mid aan sax ahayn sharcina aan ku fadhin" ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Asmara ku sugan.

 

Sheekhu, wuxuu si weyn u weeraray gudoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee isla Isbahaysigas Shariif Xasan Sheek Aadan oo labaduba shalay gaaray Jabuti, isagoo ku tilmaamay inay yihiin xubno uu damac hareeyay, sidaa daradeedna goostay inay awooda Isbahaysiga ku adeegtan.

 

Mar la weydiiyay in go'aanka shirka uu yahay mid ay iyaga oo dhan isla ogayeen ayna isku raaceen, ayuu kaga jawaabay: "Maya... Maya... iskuma raacin, waayo labada mas'uul muddo 40-casho ah sooma gaarin Asmara, sidaa daradeed ma jirto wax nagala tashaday".

 

Hadalkaan kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa u muuqda mid daba socda kuwo labadii casho ee ugu dambeeyay kasoo baxayay xubno ka tirsan Isbahaysiga Asmara oo meelo kala duwan ku sugan, iyadoo Isbahaysiga uu u muuqdo mid labo u kala jabay.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

7243_11_1.jpg

Qat Merchant & Stooge

 

"Khilaafku waa mid jira, waxaana keenay kaddib markii la iska aaday shir aan taladiisa la isku darsan oo ay si gooni ah u abaabuleen Sheekh Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Asmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyaha AlShabaab Oday Daahir Aweys oo ugu baaqay wakiilada Kooxda Asmara in ay kasoo tagaan Jabuuti.

 

Iyadoo magaalada jabuuti ay gaareen laba hogaamiye oo muhiim ah marka loo eego dhinaca Mucaaradka kuwaas oo kala ah Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa hogaamiyaha Ururka ALShabaab Oday daahir Aweys,waxaa uu ugu baaqay wakliilada Isbahaysiga Asmara in ay si deg deg ah dib ugu laabtaan Asmara.

 

Iyadoo magaalada jabuuti ay gaareen laba hogaamiye oo muhiim ah marka loo eego dhinaca Mucaaradka kuwaas oo kala ah Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa hogaamiyaha Ururka ALShabaab Oday daahir Aweys,waxaa uu ugu baaqay wakliilada Isbahaysiga Asmara in ay si deg deg ah dib ugu laabtaan Asmara.

 

Isagoo ka hadlayay xaruntiisa Tuulada ASmara ayaa Oday Daahir Aweys waxaa uu sheegay in kulanka Jabuuti uu yahay waqti lumis sida ay isaga la tahay inkastoo la og yahay in kulankaasi lagu baadi goobayo maslaxada umada Soomaaliyeed, waxaana hadalkiisu uu muujinayaa in aanu sinaba nabad ula doonayn dalka Soomaaliya hogaamiyahan argagixisada ah.

 

"Uma maleynayo in guulo la taaban karo ay kazoo baxayaan kulanka Jabuuti”ayuu yiri Oday Daahir Aweys oo horay u ahaa Korneyl ciidamadii Soomaaliya ka tirsanaa.

 

Mar la weydiiyay Oday Aweys in mayal adeygiisu uu keeni karo bur bur ku yimaada isbahaysiga Asmara waxaa uu sheegay in ayba sii awoodeysanayaan ,isagoo wareysi siinayay wakaalada wararak Reuters.

 

In badan oo ka mida shacabka Soomaalidu waxaa ay sii eegayaan dalka Jabuuti,hase ahaatee argagixisada ayaa wada dhaq dhaqaqyo ay doonayaan in ay ku hagar daameeyaan howsha nabad raadineed ee dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Xasan Dahir Aweys oo qiray khilaafka baahsan ee u dhaxeeyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

 

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xubin ka ah Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa qiray inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Isbaheysiga Dib u Xoreynta.

 

Wadaadkan oo hora madax uga ahaan jiray Golaha Shuurada Maxkamadaha, isla markaana ka mid ah Raga Mareykanka baadigoobka ku hayo ayaa isagoo jooga Magaalada Asmara waxa uu sheegay in ay aad uga soo horjeedaan Shirka ka socda Jabuuti.

 

“Lama soo marsiinin Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Isbaheysiga in shir lagu qaban doono Jabuuti,sidaas darteed xubnaha ka qeybg galaya shirka Jabuuti waxay ku tunteen Sharcigii Isbaheysiga u yiilay”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys

 

Sheekha oo hadaladiisa laga dheehan karay kala jab soo kala dhex galay Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta waxaa uu mucaaradsanaa Shirka Jabuuti oo garabka Sheekh Shariif.

 

Haddaba sida muuqata Isbaheysigii Asmara lagu soo dhisay sanadkii hore waxaa uu u kala jabay labo garab, Garab Sheekh Shariif Madax ka yahay iyo garab Xasan Dahir Aweys Madax u yahay

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

Jowhar.com & Jowharnews.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kala Jabkii Kooxda Tuulada Asmara oo si weyn usoo shaac baxay {Oday Aweys iyo rag kale oo dagay Asmara,halka Sheekh shariif iyo rag kalana ay saldhig ka dhigan doonaan Dooxa}

 

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay warar sheegay in ay kala jabtay kooxdii Tuulada Asmara,inkastoo warkaa saxaafada oo dhami aanay shaacin marka laga reebo shabakadan oo heshay xog dhameystiran horayna u shaacisay in ay kooxdu kala jabtay,laakin maanta ayaa si rasmi ah arrintaa looga wada war helay.

 

Warar goor dhoweyto nasoo gaaray ayaa sheegaya in qeybta ku hartay Tuulada Asmara uu hogaamiyo Oday daahir Aweys,ayna u badan yihiin beesha uu kasoo jeedo,halka inta kale oo ka kooban beelaha oo dhana ay saldhig ka dhiganayaan magaalada Dooxa ee dalka Qadar oo haatanba rag ka mid ahi ay gaareen.

 

Qeybta isbahaysiga ee ku harsan tuulada Asmara ayaa waxaa ay dhibada usii adkeyneysaa wada shaqeynta cusub ee u bilaabatay kooxda Islaam-leyska ah ee AL shabaab iyo jabhada maamulka tuulada Asmara,iyadoo haatana hogaanka AlShabaab uu la wareegay oday daahir aweys oo markii horaba ahaa ninkii dhismaha Alshabaabka ka dambeeyay.

 

Sababta ugu weyn ee keentay bur burka kooxda Asmara ayaa waxaa ay tahay in badan oo ka mida ahi in ay sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan dib u hehsiisinta dalka iyadoo tiro fara ku tiris ah oo argagixisanimada iyo heysashada hantida aanay lahayn ku dhagana ay sheegeen in ayan ka hartaynin afkaaraha uu amray in lagu shaqeeyo hogaamiye jabhadeed Afwarke.

 

Warkan waxaanu kasoo xiganay rag ka qeyb galay kulankii shir qoolka tuulada Asamra ee sanadkii hore.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this