Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jamaal ma uu qaban shaqadiisii

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231218-WA0015.jpg

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka tirsan Golah Wakiilladdu wuxuu noqday mid bulshadii soo dooratay ee bariga Hargeysa ku hungowday. Waxaanu wax u qabadka dadkiisa ka soo jeclaaday inuu Xukuumadda Muuse u noqdo shaqsi indho la’aan ku difaaca xagii ay ahayd in uu umaddii soo dooratay uga soo qaadi lahaa mashaariicdii ay xaqa ugu lahaayeen

Xildhibaanku wuxuu dhawaan dhaliilay Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay waxqabadkiisa ay ummaddu qirtay.

Sidoo kale deegaanka uu ka soo jeedo Xildhibaan Jamaal wax ay leeyihiin xildhibaanno golaha deegaanka ka tirsan isaga uga waxqabad badan. Waxana looga fadhiyaa inuu ka hadlo waxqabad la’aanta xukuumadda dhexe, iyadoo degmada Sabowanaag aanay lahayn dugsi sare. Waxana dhisi karta oo kaliya Wasaaradda waxbarashad, waxana jirta in ardayda dugsiyada dhexe ka soo baxdaa ay tagaan deegaano kale oo ay kaa mid tahay magaalada Hargeysa oo dhib ku ah ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee ay waalidkood soo siiyeen codkooda si uu ugu raadiyo wixii xukuumadda kaga maqan ee adeeg waxbarasho ah ama mid caafimaad.

Dhamnaan tuulooyinkii laga soo doortay way ka arradan yihiin adeegyada bulshada oo dhan waxana haboon in uu Xildhibaan Jamaal uu arinkaasi si gaar ahbu eego oo dhaliisha xukuumadda aanu cid kale dhakada ka saarin

Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa jira dhisme dugsi oo ay ka dhistay bariga Hargeysa iyo qaar ay dayactirtay oo ku yaala degmada Sabanaag.

Runtii ma difaacaayo maayarka iyo dawlada hoose waxana jira baahiyo badan oo deegaanada kale ee caasimadu ay inagala simanyihiin waxana haboon in wixii qaloocda maayarka iyo ku xigeenkiisa loo tago oo wixii ay qaban karayaan lagala hadlo se yaan la isku qaldin dawllada hoose iyo dawladda dhexe.

La soco qaybta kale ee qoraalkani oo aan idiin soo gudbin doono.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this