Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Warlords feel threatened by Pres Yusuf's picture..

Recommended Posts

Dad aad u fara badan oo ka qeybgalayey soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlaanka oo maanta loo diiday in ay Sawirka Madaxweynaha geeyaan Garoonka Dayniile

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia -17/01/06

 

Soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay Xubnaha labada Gole , Kuwa Deegaanka iyo qaar ka mid ah ururada Bulshada Rayadka ah eek u sugan Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Wasiirada Amniga Qaranka, Ganacsiga, Dhaqancelinta Maleeshiyooyinka, Maxamed Qanyre Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Bootaan Ciise Caalin iyo xubno kale oo ka mid ah labada Gole ee dowladda Federaalka ah ee Saldhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirada Hubeysan ayaa Gudoomiyaha uga haray Garoonka Dayniile, waxa uuna u soo dhaqaaqay Hotelka Saxafi halkaas oo ay ku sugayeen Xubnaha Golaha Deegaanka oo dhawaan ay dhiseen Xubnaha labada Gole , waxa uuna Shariif Xasan ugu dambeyntii ka cudurdaartay in uu wax war ah Bixiyo, ama la hadlo dadkii ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa.

 

Xildhibaan Saleemaan colaad Rooble oo la hadlay Raga Wararka Fidiya ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlaanka uu sheegtay Xanuun, sidaasi daraadeedna uusan hadli Karin, waxa uuna intaasi raaciyey in goor dhaw uu kulan balaaran uu qaban doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirada Hubeysan ayaa xiligan waxaa laga dareemayaa in uu soo kala dhex galay Mugdi siyaasadeed, ka dib markii Gudoomiyaha uu hishiis la galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya, oo horay uga dhex aloosnaa khilaaf ba’an, kaas oo geed fadhi ay u ahaayeen Wasiirada Hubeysan.

 

Ka qeybgalayaashii soo dhaweynta oo maanta ka ambabaxay Hotelka Saxafi si ay u gaaraan Garoonka diyaaradaha ee Dayniile, oo ku yaala Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo diiday in ay horay u qaataan Sawirka Madaxweynaha, oo ay wada lulayeen Madaxweynaha iyo shariifka Sawiradooda.

 

Muran xoog leh oo ku saabsan arimaha Sawirka Madaxweynaha ayaa markii dambe waxa ay keentay in in Qeybihii kala dunaa ee Bulshada ee watay Sawirka Madaxweyne C/laahi Yuusuf, in lagu qanciyo in ay ku sugnaadeen Hotelka Saxafi, isla markaana aysan tagin Garoonka Dayniile.

 

Amarka lagu diiday Sawirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in uu ahaa mid ka yimid Wasiirada Hubeysan, gaar ahaan waxa farta lagu goday Wasiirka amniga Qaran Maxamed Qanye Afrax oo Fadhiisin u ah Deegaanka Dayniile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this