Sign in to follow this  
Deeq A.

Beel ka mid ah beelaha dega Hargeysa oo baaq nabaddeed soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)- Salaadiinta beesha Arab Sheekh Isaxaaq oo hoggaaminayey Suldaanka guud ee Beeshaas Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa soo saaray bayaan nabadeed oo ku wajahan xaaladda dalka.

Bayaankaasi waxa ay ugu baaqeen beelaha Walaalaha ah ee Sool clan iyo East Burco Clan inay xaaladda colaadeed ku beddelaan nabadgelyo iyo Walaalnimo maadaama oo dagaal khasaare uun ka imanayo.

Waxa kaloo ay ugu baaqeen beelaha colaada Ceel afweyn inay nabad rasmi ah laga dhex dhaliyo maadama oo labadaas ardaa colaadoodu muddo soo noqnoqotay oo ay xal waara ka gaadhi waayeen shaqaaqooyinkii dhex maray. Waxaanay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan xalka colaadaas lagu soo afjarayo.

Beesha Arab sidoo kale ay war murtiyeedkooda ku bogaadiyeen beelaha ood wadaagta ah ee gobollada Awdal iyo Selel oo is afgarad ku dhammaystay khilaafkii dhexdooda ka jiray.

Sidoo kale, waxay soo dhaweeyeen nabadda lagu gaadhay deegaanka Cali Saahid.

Ugu dambeyn Suldaanka Guud ee Arab Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa sheegay in Somaliland looga baahan yahay in colaadaha dalka ka jira lagu dhammeeyo nabad iyo wadajir.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this