Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda IMF oo dowladda Soomaaliya u ansixisay $100 Milyan oo Doollar

Recommended Posts

Deeq A.   
IMF-1.jpg?resize=800%2C480&ssl=1

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixisay hannaan cusub oo 3 sano ah oo taageero maaliyadeed oo dhan 100 milyan oo Dollar lagu siinaayo Dowladda Soomaaliya.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Inkasta oo ay Soomaaliya horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada.

Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda IMF oo dowladda Soomaaliya u ansixisay $100 Milyan oo Doollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this