Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Haweenka Soomaaliya oo maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703075126287.jpg?resize=682%2C68

Alle ha u naxariistee, Wasiirkii Haweenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti.

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ay dalka Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda aadanaha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Marxuumad Khadiijo oo kamid ahayd wefdiga Ra’iisul wasaare Xamse ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa maalmahan ku xanuunsanayd halkaasi, sida laga soo xigtay mas’uuliyiintii safarka ku wehelisay.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda oo sidoo kale mudda dheer ka tirsanayd Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii Haweenka Soomaaliya oo maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this