Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay is-bahaysi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
1703081264927-1.jpg?resize=720%2C480&ssl

Shan kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Nairobi kaga dhawaaqay is-bahaysi siyaasadeed oo cusub.

War-saxaafadeed ka soo baxay musharrixiinta kala ah; Axmed Ciise Cawad, Aadan Shiikh Doon, Faarax Cali Shire,  Cali Xaaji Warsame iyo Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa lagu shaaciyay is-bahaysiga cusub.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ujeedka is-bahaysigan uu yahay in la xaqiijiyo doorasho nabdoon oo natiijadeeda lagu wada qanacsan yahay in ay ka qabsoonto Puntland 2024.

Is-bahaysiga ayaa sidoo kale ugu baaqay musharrixiinta iyo odayaasha dhaqanka in ay qayb ka noqdaan isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Puntland.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

FB_IMG_1703081111162.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1703081172051.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay is-bahaysi cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this