Deeq A. Posted December 20, 2023 Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in waddankiisu uu diyaar u yahay in mar kale Qaza laga sameeyo hakin dagaal oo bini’aadannimo si loo sii daayo la haystayaal badan oo lagu haysto Qasa isla markaan gargaar loo gaadhsiiyo dadka u baahan. Dowladda Israa’iil ayaa waxaa saaran cadaadis caalami ah oo isa soo taraya si ay heshiis xabbad joojin ula gasho xamaas xilli ay sii kordhayaan khasaaraha dadka rayidka ah iyo dhibaatada bini’aadantinimo ee Qaza. Cadaadiska ayaa sidoo kale kasii kordhaya gudaha Israa’iil, kaas oo ku saabsan in maxaabiis badan lagu sii daayo ka dib markii saddex la haystayaal Israeli ah ay si khalad ah u dileen askarta Israa’iil toddobaadkii hore. Hadalka Herzog ayaa imaanaya iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado inuu u codeeyo qaraar cusub oo ku baaqaya xabbad-joojin laga sameeyo Qaza. Bishii la soo dhaafay, heshiis dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas, oo ay gadhwadeen ka ahaayeen dhexdhexaadiyeyaal shisheeye, ayaa horseeday in dagaalka si ku meel gaadh ah loo joojiyo, lana sii daayo ilaa 100 la haystayaal ah oo lagu beddelayo falastiiniyiinta ku xidhan jeelasha Israa’iil. Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa diidanayd xabbad joojin cusub iyaga oo sheegay in ay faa’iido u leedahay Xamaas oo keliya. “Israa’iil waxay diyaar u tahay hakad kale oo bini’aadantinimo iyo gargaar bini’aadantinimo oo dheeri ah si ay awood ugu yeelato sii deynta la haystayaasha,” Herzog, oo doorkiisu uu inta badan yahay mid munaasabadeed, ayaa u sheegay kulan ay isugu yimaadeen safiirro, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda Israa’iil. “Mas’uuliyaddana waxay si buuxda u saaran tahay hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwar iyo hoggaanka Xamaas.” Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood kasta oo ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista uu dhici doono kaliya marka uu dagaalku istaago. Source Share this post Link to post Share on other sites