Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo ansixisay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.

Dayntaan cusub ayaa waxa ay ku dhisan tahay horumarka ilaa hadda la gaadhay, oo ay ku jiraan Barta dhamaystirka dayn cafinta Soomaaliya, iyo dib-u-habaynta lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

Hay’adda IMF ayaa sheegtay, taageerada dhaqaale iyo kobcinta joogtada ah ee ka imaanaya saaxiibada caalamiga ah oo la siinayo Soomaaliya, in ay tahay lama huraan si loo taageero dadaallada dib-u-habaynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha,” IMF ayaa ku tidhi hadal ay soo saartay.

IMF waxay sheegtay bishii November in ay heshiis horudhac ah la gaadheen dowladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo doolar, oo dayn ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda.

Go’aanka Guddiga Fulinta ee ansixinta barnaamijka cusub ayaa la qaatay, ka dib markii dhawaan lagu dhawaaqay in deymihii ugu badnaa laga cafiyay Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this