Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudane Madaxweyne. Dalkeena Maanta adaa Hogaanka u haya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudane Madaxweyne. Dalkeena Maanta adaa Hogaanka u haya. XEERKA GUURTIDA yaala. Degdeg in loo ansixiyo waa Dan qaran. Adna aad digreeto ku soo saarto doorashadda isa saaran. Sanadka ku hadhey. DALKA GEEDI CAANO LEH. Ku hogaami.

Umaddana marka. Xeerku dhamaaddo shirweyne ugu qabo Madaxtoyadda dhamaan daneeyaayaasha Doorashooyinka isugu yeedh. Culimadda, bahdda Dhaqanka aqoonyahanka iyo Ganacasatadda.

Dhamaan buuq eynu galney ha la iska cafiyo. Xaaladda Gobolka Sool Nabad Iclaami. REER SOOL maxabiista Ha la is weydaarsaddo. Waxii kale deganaansho iyo wadda hadal ku gal.

Hadey intaad joogto xilka dhamaan weydo. Madaxweynaha ka danbeeya ku masuuliyadda la wareegi.

Hadii tilmaamaheygaasi xukumadda dhinaceeda ka suurtoobi waayaan. Buuq iyo qalaalaase siyaasadeed iyo kacdoon shacab ka bixi maayo dalku.

Dadkuna wuu ku sii kala fogaana. Waxana suurta gala iney xasilooni dari amni abuurto.

Waxaanse qabaa intaas aan ku sheegey ayaa xalku ku jiraa maanta markaan eego waaqaca dalkeena yaala iyo dareenka shacabka.

Waase adiga iyo Go’aankaga iyo garaadka. Dalkana war kuguma seegana xaaladiisa dhaqan dhaqaale, amni iyo mid siyaasadeedba.

Soyaalka dalkana waxba iguma seegana. ilaa AFTIDII DASTUURKA. Ceergaabo ayaan Garoon kubadda kala akhriyayey Macalinkeygii Taariikhda iyo Juquraafiga ee Aburaas aan (Micrphone) ka nasinayay.

Dadkuse maalinta mey fahamsaneyn dastuurka macnahiisa waxey u heystaan inaanu akhriyeyno kala Go’ii Somaliland iyo Somalia.

Madaxweyne aan arkona ina Cigaal baa igu horeyey aan salaamo. Sawir qaade reer ceergaabo ah ayaan caawinayay. Ahaana dhalinyaradii Xisbiga UDUB laga aasaasey caasimadda Gobolka Sanaag.

Anigo ka mida ardeydii bahdda waxbarashadda ee degmadda Ceergaabo. Safarkiisii ugu danbeyey uu ku yimi Ceergaabo. Taariikhdu yimina waad xasuustaa. Inuu Markii horena diyaaradd ku yimi. Markii danbena dhulka soo marey.

Khudbadisii waxaan ka xasuuata. Reer Ceergaabo ha moodina in ay maanta Ceergaabo igu horeyso. Waxaan imi Ceergaabo 1952 anoo aabahay la socda oo uu Harago ka iibsanayo Ceergaabo. Waxana Aabahey Wakiil Ceergaabo uga Ahaa Cawad Baraar.

Wuxuse ku kaftamey reer Ceergaabo dad cadd cadd baan ahaan jirteen ee ma ceeshimaddii dhulka aad isku heysataan ba idin madoobeysey, iyo kala qeysanaanta qabylaadda. Waar ceshiimadda iska daaya. Cabashadiina ugu badani waa dhul daaqsimeed aad isku dileyneysaan

Weliba nimanka Muuse Ismail Ama HY Bari Cabashadooda igu badan. Waanse la fadhiistey. Iyana waanu is fahamney. Beelaha kalena si fican baanu isu fahaney. Nabad galyadda Gobolka u baqi maayo.

Intaan idinla joogey Hilib Idaad oo macaan baan cuney. Ido Geedka Daranta daaqey iyo Kaabash macaan. Hurdo macaana waan seexdey. Hawadda magaladda Ceergaabo oo aad u macaan. Waan ka nastey Hargeisa iyo Buuqii Xafiiskaygii Madaxtoyadda. Hadaladiisii intaas baan ka xasuusta.

Markaa mudane Madaxweyne. Dalku maanta waxu rabaa inaad ku jiheyso Doorashadda iyo nabadd galyadda oo laga wadda shaqeeyo.

Xukumadduna noqoto midaan lagu xamaneyneyn iney Muddo kordhin labaad ka raadineyso. Qalaalase ey ka abuurto Goboladda dalka Bari iyo Galbeed.

Xukumadadda Wasiiradda ku jira inyar baa waayo araga, intooda badani walaahi nin Taariikh hayaa dalkani waxuu soo marey ma jiro. Waa Cago Baruur Siyaasadda Soo Galley 2010 markii la yidhi Xeerkii Siyaasadda Dhalinyaradda waa la bedeley, GALA SIYAASADDA.

Waxaa qudhaad weydiisa Xukumaddii Cigaal. Wasiiradii kaga jirey Beelaha Darafyadda Garan mayaan. Ka ugu wanaagsani waa ka garta AHN Xaaji Abdi Waraabe, Shiikh Ibraaahim, Ahmed Fure, Ina xaaji Godaad.

Isku soo wadda duubo. Dalka raga maanta jooga Mucarad iyo Muxaafad ninba waayaha Sooyaalka meel buu ka soo gaadhey. Dalka xogtiisa inta anan Goob joog u aheyn.

Waxaan ahaa dhegmaal Wayeelka dhaqanka iyo Siyaasadda oo wagaas urursana. Xogo badan oo micne weyn Xanbaarsana aan ka faaiidey ama ka dhaxley.

Markaa Xalka Dalku Gacantaadu ku jira
Adiga iyo Garashadaadda. Ayuu mustaqbalkiisu ku danbeynaya. Shacabka iyo asxaabta Mucaradkuna hadba sidaad u dhigto ayay ku xidhan tahey wadda shaqeyntoodu

Waa bilaahi Towfiiq.

Alle Ha Ku Garansiiyo.
Aamiin aaamiin

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this