General Duke Posted October 14, 2008 Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigey Markabkii Barwaaqo iyo Burcadii heysatey Cabdalle Axmed Muumin Horseed Media Monitoring BOSASSO (HR Media)- Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhoweyd gacanta ku soo dhigey markabkii shirkada Barwaaqo iyo kooxdii burcad badeeda ahayd ee afduubatey. Soo qabashada markabka iyo burcad badeeda waxaa Horseed Media u xaqiijiyey wasiirka ganacsiga ee Puntland C/samad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo isagoo Boosaaso ku sugan aanu goor dhoweyd ka wareysaney arimahaasi. Wasiirka waxaa uu Horseed Media u sheegay in markabka iyo burcad badeeda la soo qabtey ay hadda ku soo jeedaan dekeda Boosaaso. Soo qabashada markabka ayaa timid kadib dagaal aad u kulul oo shaley iyo maanta ku dhex marey ciidamada ammaanka iyo kooxda burcad badeeda, kaasi oo ka dhacay degaan ku dhow Hurdiya oo dhinaca badweynta Hindiya. waxaana dagaalkaasi uu sababey dhimasho iyo dhaawac wararkan oo faahfaasan kala soco Horseed Media goor dhow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 14, 2008 War deg deg ah:Ciidamda Puntland oo gacanta ku soo dhigay Markabkii shirkada Wararka ka imaanaya degmada Bandar Bayla ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Markabkii shirkada Barwaaqo ee ay haysteen kooxaha burcad badeeda. Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in markabkaasi lagu qabtey biyaha badweynta hindiya oo ku beegan degmada Bandar Bayla, ka dib markii iska horimaad xoogan uu dhxmarey ciidamada Puntland iyo kooxaha bucad badeeda, iyadoo weerarkasi la sheegay in uu sababay khasaare ilaa iyo iminka aan na soo gaarin. Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Cabdi Awaare oo goor dhaweyd u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen markabka Wail ee shirkada Barwaaqo oo sida 70 kun oo tan oo ah shamiinto ku soo socotey dekada magaalada Boosaaso. Wasiirku wuxuu sheegay inay bixin doonaan faahfaahin dheeraad ah saacadaha soo socda, isla markaana markabka hada loo soo wado dekada magaalada Boosaso. SBC International News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites