Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: security forces release ship from pirates

Recommended Posts

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigey Markabkii Barwaaqo iyo Burcadii heysatey

Cabdalle Axmed Muumin

 

Horseed Media Monitoring

 

BOSASSO (HR Media)- Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhoweyd gacanta ku soo dhigey markabkii shirkada Barwaaqo iyo kooxdii burcad badeeda ahayd ee afduubatey.

 

Soo qabashada markabka iyo burcad badeeda waxaa Horseed Media u xaqiijiyey wasiirka ganacsiga ee Puntland C/samad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo isagoo Boosaaso ku sugan aanu goor dhoweyd ka wareysaney arimahaasi.

 

Wasiirka waxaa uu Horseed Media u sheegay in markabka iyo burcad badeeda la soo qabtey ay hadda ku soo jeedaan dekeda Boosaaso.

 

Soo qabashada markabka ayaa timid kadib dagaal aad u kulul oo shaley iyo maanta ku dhex marey ciidamada ammaanka iyo kooxda burcad badeeda, kaasi oo ka dhacay degaan ku dhow Hurdiya oo dhinaca badweynta Hindiya. waxaana dagaalkaasi uu sababey dhimasho iyo dhaawac

 

wararkan oo faahfaasan kala soco Horseed Media goor dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Ciidamda Puntland oo gacanta ku soo dhigay Markabkii shirkada

 

Wararka ka imaanaya degmada Bandar Bayla ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Markabkii shirkada Barwaaqo ee ay haysteen kooxaha burcad badeeda.

 

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in markabkaasi lagu qabtey biyaha badweynta hindiya oo ku beegan degmada Bandar Bayla, ka dib markii iska horimaad xoogan uu dhxmarey ciidamada Puntland iyo kooxaha bucad badeeda, iyadoo weerarkasi la sheegay in uu sababay khasaare ilaa iyo iminka aan na soo gaarin.

 

Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Cabdi Awaare oo goor dhaweyd u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen markabka Wail ee shirkada Barwaaqo oo sida 70 kun oo tan oo ah shamiinto ku soo socotey dekada magaalada Boosaaso.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay bixin doonaan faahfaahin dheeraad ah saacadaha soo socda, isla markaana markabka hada loo soo wado dekada magaalada Boosaso.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this