Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka tirsan golaha deegaanka ee Hargaysa oo ka hadlay dagaalkii ka Dhacay Buurta Naasohablood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka Hadlay Shaqaaqadii ka Dhacday Buurta Naasohablood

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in shaqaaqo maanta ka dhacday buuraha Naasohablood ay ku dhinteen 5 qof. Dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Yaasiin wuxuu sheegay in goobta falku ka dhacay oo ah Buuraha Naasohablood oo ah astaanta caasimada ay tahay dhul dan guud ah oo dadka deganaa ee ciidanka Qaranka ahaa iyo kuwa ku soo duulayba aanay lahayn.

Wuxuu intaas ku daray in saaka nin askari oo ciidanka qaranka ka tirsan oo lahaa 12 carruur ahi uu dhintay isla markaana nin kale ku dhaawacmay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqaqadaas ay ku dhinteen oo kale afar qof oo kale. Wuxuuna tilmaamay inay jiraan dhaawacyo lagu dabiibayo cusbitaalada.

Xildhibaan Yaasiin wuxuu beeniyay in meeshaasi aanay wax beelo ahi ku lug lahayn, dhinaca deganaa ee askarta ciidanka qaranka ahna muddo la baryay inay kaga guuraan, laakiin aan Alle qadarin.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidanka booliska iyo Dawladda hoose ay xiligan gacanta ku hayaan goobtii. Isla markaana wuxuu xusay in Alle qadaray dadka dhintay, hase ahaatee aanay waxba ka jirin in beello isku soo duulleen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this