Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BAYAAN

Recommended Posts

Bayaan Ay Saxeexeen 30 Mudane Oo Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Talooyin U Jeediyey Xukuumadda Somaliland, Culimada Iyo Maxaakiimta Muqdisho

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Soddon mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta soo saaray bayaan ay tallooyin ugu soo jeediyeen xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Riyaale, Culimada reer Somaliland iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Bayaankaas oo ay mudanayaashu kaga hadlayaan xaaladda beryahan dambe ka aloosan dalka ee ka dhalatay cabsida xukuumaddu ka muujisay Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku fidaysa Koonfurta Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland, isaga oo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan:

 

“Somaliland oo ah dal xorayntiisii ay u nafwaayeen boqolaal kun oo qof hantidii boqolaal sanadood la dhaqayeyna ay ku burburtay ayaa waxaa ummadu qiimaha intaa leeg ay u hureen si ay ku helaan xoriyad dalkooda, diintooda iyo horumar la mid ah bulshada ilbaxa ah.

 

 

Haddaba, waxaa wiigagan u danbeeyey soo baxayey waxyaabo aanay raali ka noqonin bulshada reer Somaliland badankeedu taas oo ah in mushkilada ka socota koonfurta fog ee soomaaliya loogu soo rarayo dalka JSL iyo iyadoo bulshadii reer Somaliland lagu abuurayo walaahaw iyo cabsi ay khatar ugu jiraan wax loogu yeedhayo argagixiso.

 

 

Waxaa kaloo jira in beryahan danbe ay masuuliyiin sarsare oo ka mid ah xukuumadu ay caadaysteen waxyaabo meelka dhac ku ah diinta islaamka iyo caqiida ummada oo ah waxyaabihii ay u soo halgantay ka dib markii rajiimkii Siyaad Barre uu meel-ka-dhacyo joogto ah kula kacay diinta Islaamka.

 

 

Waxaa iyana werwerkeeda leh in ay muuqato in xukuumadii JSL la safatay maamulka C/laahi Yuusuf oo ah maamulka dagaalka tooska ah kula jira Qaranimada Somaliland, isaga iyo maamulka Puntland oo isbarkan. Waxaa la wada ogyahay in C/laaahi Yuusuf oo meelwalba ka sheegto in uu madaxwayne u yahay Somaliland isla markaana uu ku doodo in aan la aqoonsan Somaliland isla markana uu ahaa ninkii ku soo duulay gobolada bari ee Somaliland welina uu xoog ku haysto.

 

 

Hadaba, maadaama oo aanu nahay xildhibaanadii ummadu soo dooratay waajibna ay nagu tahay in aanu ka hadalo arimahan iyo wixii kasta ee qaranimada Somaliland wax u dhimi kara waajibna ay nagu tahay difaaca iyo ilaalinta qaranimada Somaliland

 

 

Waxaanu soo jeedinaynaa qodobadan:

 

 

 

 

 

1. Waa in aan laynoo soo rarin ama laynagu dhex milin dagaalada ka socda koonfurta Somaliya, isla markaana aan ummada loo garaacin durbaan colaadeed oo aynaan qayb ka ahayn.

 

 

2. Waa in la joojiyo hadalaha meelka dhaca ku ah diinta Islaamka iyo caqiidada ummadda, taas oo beryahan danbe si isdaba joog ah uga soo yeedhaya masuuliyiin sarsare oo ka mid ah xukuumada Somaliland.

 

 

3. Waxaanu u soo jeedinaynaa culimada reer Somaliland in ay dhinacooda ka ilaaliyaan qaranimada isla markaana ay bulshadooda kala qayb qaataan taaba gelinta qaranka JSL iyo ilaalinta nabadgelyada, anaga oo ku amaanayna doorka waxtarka ee ay bulshada kaga jiraan.

 

 

4. Waxaanu u aragnaa in waajibka koowaad ee qarankan u yaalaa uu yahay sugida xuduudaha dalka iyo sidii Sool iyo Sanaag-bari mushkiladeeda loo soo afjari lahaa arinkaas oo tiir dhexaad u ah taaba galka qaranka JSL.

 

5. Ugu danbaytii waxaanu maxakamadaha islaamiga ah ee Muqdisho ugu baaqaynaa inay iska ilaayaan waxkasta oo meelka dhac ku ah qaranimada Somaliland hadii ay tahay af iyo addin, waana in ay ka fogaadaan wixii xumayn kara xidhiidhkii ka dhaxayn jiray dadka reer Muqdisho iyo Somaliland anagoo xasuusinayna in ay shacabkaa si wayn noogala qayb qaateen halgankii rajiimkii Siyaad Barre layskaga tuurayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this