Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad kale oo weyn oo ku dhawaaqday in maraakiibteedu ayna geli doonin badda cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda weyn ee Shidaalka ee BP ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan shixnadaha Saliidda ee mara Badda Cas, kaddib markii ay kordheen weerarada maraakiibta ee Xuutiyiinta.

Waxay go’aanka u qaadatay sababtoo ah “xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa” inkasta oo ay sheegtay inay ahayd tallaabo ku meel gaadh ah.

Dhowr shirkadood oo kuwa xamuulka ah ayaa sidoo kale hakiyay maraakiibtooda kadib markii ay beegsadeen Xuutiyiinta Yemen.

Isniintii, mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee maraakiibta ayaa sheegtay in ayna mar dambe qaadi doonin shixnadaha Israa’iil ee sii mara badda cas.

Xog shirkadda Evergreen Line waxa ay sheegtay inay amar ku siin doonto maraakiibteeda konteenarada inay joojiyaan safarada “ilaa ogaysiis kale”.

Badda Cas ayaa ah marinka ugu muhiimsan caalamka ee la marsiiyo shixnadaha shidaalka iyo sidoo kale badeecadaha kala duwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this