Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijo rasmi ah oo laga soo saaray baadhitaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baadhitaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaadhi ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baadhitaanka Machadka iyo Khuburrada.

Natiijada baadhitaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baadhitaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xasan Sheekh aanu tixgalin xaaladda, oo aanu qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa.

Darawalkii mootada Yunus Emre Göçer, oo ku dhintay shilka, ayaa sidoo kale natiijada lagu shegay in uu lahaa khadka labada.

Waxa la sheegay in Göçer uu sameeyay khaladka ah in aanu si fiican u eegin muraayadda dambe ee laga eego baabuurta kaa dambeeysa, isla markaan uu leexday dhanka midig yareeyna xawaare sare oo uu ku socday taas oo keentay in shilku dhaco.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this