Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano cusub iyo howl-gal culus oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   
411506671_831508645682410_18128912701741

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo saaka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka ka fuliyeen gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka waxay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, islmarkaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

411500957_831508642349077_67467682609207

411506671_831508645682410_18128912701741

411491775_831508639015744_74821677848683

411483366_831508749015733_22403972405774

The post Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano cusub iyo howl-gal culus oo socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this