Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda sare ee Puntland oo heshiis ka gaaray Khilaafkii Arrimaha doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Abwaan Cabdirashiid ayaa heshiis ka gaaray Khilaafkii Arrimaha doorashada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saddexda mas’uul ka heshiiyeen Murankii ka taagnaa Arrinta doorashada 2024.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in Baarlamaanka  imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Polish_20231218_221711150.jpg?resize=720

PUNTLAND POST

The post Madaxda sare ee Puntland oo heshiis ka gaaray Khilaafkii Arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this