Sign in to follow this  
General Duke

Latest: Sharif lost both Beledweyne Buuloburde battles + Attacks in Mogadishu

Recommended Posts

Muqdisho:Ciidmada dawladda oo lagu jabiyey dagaaladi Baladweyn iyo Buuloburde ee G/Hiiraan

20. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal manta halkaas ka dhacay ay xoogaga mucaaradka dib u qabsadeen galbeedka magaalada .

 

Dagaalka oo ahaa mid ay xoogaga mucaaradka ku dhabar jibanayeen ciidamada dawladda ayaa waxaa ku nafwaayey dad badan oo dhinacyadi dagaalamayey iyo rayid u badan.

 

Xoogaga mucaaradka aya dhinaca kale xaqiijiyey gacan ku heyntooda Buulobarde kadib dagaal faraha looga gubtay oo manta o idil halkaas ka socday.

 

Xoogaga mucaaradka waxaa ay caawa joogaan guud ahaan Buuloburde iyo xaafado ka mid ah Baladweyn taas oo keentay in ciidamada dawladda ay niyad jab kala kulmaan weeraradi ay manta qaadeen o xeelad ahaan liitay.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xoogaga mucaaradka oo caawa weerar culus ku qaaday dhawr fariisin oo ay joogeen ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom

20. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Xoogaga mucaaradka aya caawa weerar hal xili ah ku ekeeyey dhawr fariisin oo ay ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ku lahaayeen wadada dabka iyo isgoyska KM4.

 

Dagaalka caawa oo ahaa mid aad u culus waxaa xoogiisa la isku adeegsanayey madaafic xoogan oo badankood ku dhacayey suuqa bakaaraha , degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

 

Dagaalkan caawa waxaa ku dhintay 15-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 40-qof dad kor u dhaafaya oo dhamaantood ah dad rayid ah sida ay ku waramayaan saraakisha caafimaadka .

 

Afhayeen xoogaga mucaraadka u hadlay ayaa sheegay in weerarka caawa ahaa jawaab ay siinayeen weerarki ay saaka Amisom ku qaaday wadada Warshadaha

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo madaafiic watta islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo Caawa ka dhacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Posted: 8/20/2009 9:01:00 PM

 

Shabelle: MUQDISHO

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib Markii xoogaga hubaysan ay weerar ku qaadeen isgoyka Dabka ee Magaalada Muqdisho iyadoo xiligaasi kadibna magaalada Muqdisho madaafiic ay ku hoobteen.

 

 

 

Dagaalada ayaa waxaa barbar socda madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinaca,waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen qeybo ka mid ah dagmooyinka Howlwadaag,Hodan Iyo Wardhiigleey halkaaasi oo si weyn dhawaqooda looga maqlayay.

 

 

 

Madaafiicda iyo dagaaladii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa qeybo ka mid ah waxaa ay ku soo hoobatay Hareeraha Suuqa Bakaaraha waxaana dadka halkaasi ku sugan ay durbaba bilaabeen in ay galaan goob ay is leeyihiin waad kaga baxsan kartaan madaafiicda.

 

 

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 13 ruux iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacameen in ka badan 37 qofood kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

 

Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa Caawa waxaa ay Shabelle u sheegeen in ay qaadeen inkabadan 30 qofood oo ku dhaawacantay madaafiicda iyo dagaaladii caawa ka shacay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin guulo ka sheegtay dagaalada gobolada iyo iyagoo ka soo horjeestay xukunkii deg deg ahaa ee ay ansixiyeen Barlamanka.

 

Posted: 8/20/2009 9:31:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta waxaa ay guulo ka sheegteen dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolada dalka Soomaaliya iyagoo ka soo horjeestay xukunkii deg deg ahaa ee madaxweyne Shariif uu dalka ku soo rogay.

 

 

 

Kadib shir jaraa’id ee uu uga hadalay qodobo kooban afhayeenka dhaqdhaqaa Mujaahidiinta Alshabaab Sheikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheera) oo uu galabta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afhayenku uu sheegay in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaaladii maanta ciidamada dowlada KMG ah ay kula galeen magaalada Buulaburde iyo Baladwayne,waxaana uu tilmaamay afhayeenku in dagaaladii maanta ay kula wareegen gaadiid dagaal islamarkaana ay gacanta ku dhigeen inta badan gacan ku haynta magaalada baladwayne

 

 

 

Afhayeenka xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sheikh Cali Max’uud Raage waxa uu sidoo kale in taasi raaciyay in maydadka ciidamadii ay kula dagaalameen magaalada Buulaburde ay wali yaalan gudaha magaalada sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu intaasi ku daray in dagaalkii isna shalay galinkii danbe kadhacay dagmada Balad Xaawo ee gobolka Gado islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada Culumaa’udiinka Shlu Sunna iyo ku dhaq dhaqaaq Mujaahdiinta Al Shabaab ay guula ka gaaren islamarkaana ay dileen 20 ka mid ah dhinacyadii ay la dagaalamen oo ay gacanta ku dhigeen 2 gaari oo ay wateen sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Sidoo kale afhayeenka Mujaahidiinta Al shabaab Sheikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheera) waxa uu si kulul uga hadlay go’aankii ay shalay ansixiyeen mudanayaasha barlamanka oo ahaa in dalka la galiyo xukun deg deg ah,waxa uuna tilmaamay in go’aankasi lagu banaysanayo hantida dadka shacabka ah gaar ahaan suuqyada iyo in ciidamada AMISOM loo baneeyo dhiiga dadka muslimiinta ah sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Ugu dambayntii shirka jaraa’id ee uu qabtay afhayeena dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Alshabaab Sheikh Cali Dheere waxa uu ugu baaqay mujaahidinta iyo shacabka in ay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan ee Ramadan islamarkaana ay qanimaystaan sida uu sheegay hubka iyo hantida ciidamada AMISOM iyo kuwo uu ugu yeeray daba ******iin sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyne-(Allidama ale.com):- Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada oo dagaal wax yar socday ku qabsaday Xaafada Howl-wadaag ee galbeed Magaalada B/weyne waxaana jiro wali Dagaalo goos goos ah.

 

Wadooyinka Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa hada waxaa ka jirto cabsi xoogan iyadoo aan ruux sacdo iyo meel farun aanu jirin waxaana jiro dhaawac faro badan oo dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Buulo-burte kuwaasi oo gaaray ilaa 19 ruux.

 

Lawareegidan Qeyb ka mid ah B/weyne ayaa waxaa la sheegay in ay **** socoto Dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Buulo-burte waxaana ilaa hada si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu sababay Dagaalkan B/weyne goor dhaw ka dhacay.

 

Dhanka kale Dagaalkii Saakay ka dhacay Buulo-burte ayaa waxaa la sheegayaa in qasaaro xoogan oo labada dhinac ah uu jiro wallow ilaa hada aan la sheegin Dad rayid ah oo wax yeelo ka soo gaartay.

 

Dadka Shacabka ah ee ku Nool Magaalada B/weyne ayaa hada waxaa soo foodsaaray Cabsi xoogan oo ku aadan in gorkooda mar kale lagu Dagaalamo taasoo ka dahlan karta qasaarooyin isuju jiro Naf iyo maalba iyadoo hada ay xiranyihiin dhamaan howlihii ganacsiga ee Magaalada B/weyne.

 

Isku soo wada duube lama yaqaano qaabka uu xaal noqondoono iyadoo saakay duleedka B/weyne ay soo gaareen Ciidamo Ethiopian ah oo wata Gaadiidka Dagaalka waxaana sidoo kale jirto in ciidamadii Dowlada ee weerarka ku qaaday Degmada Buulo-burte ay ka soo dhaqaaqeen halkaasi waxaana ay ku soo wajahanyihiin Magaalada B/weyne.

 

 

 

Allidamaale@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda oo ku fashilmay weerarkii ay ku qaadeen Buulo Burde, dibna ugu laabtay Beled weyn

 

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku fashilmay duulaan ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyagoo dib ugu soo laabtay Magaalada Beled weyn oo ay markii hore ka weerar qaadeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay ay ku qaadeen Buulo Burde looga awood roonaaday, ayna ku hungoobeen damacooda ahaa in magaaladaas xoog uga saaraan Xoogaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

Dagaal socday muddo saacado ah ayaa labada dhinac ku dhex maray Buundada magaalada oo aheyd halkii ay ka gudbi waayeen, jilbahana dhulka loogu dhigay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

 

Xoogaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ahaa kuwo ka go'neyd inay difaacdaan magaalada bacdamaa hadii laga qabsado ay noqon karto go'doon ku yimaada xoogagooda ku sugan Gobolada Dhexe, gaar ahaan Ceelbuur.

 

Duulaanka Ciidamada Dowladda oo noqday mid aanay laga gun gaarin ayaa waxay ku sii adkeysay xaalada, kadib markii qeyb ka mid ah magaalada Beled weyn ee ay ka duulaan qaadeen laga qabsaday, taasoo keentay inay dib u soo laabtaan.

 

Istiraatiijiyada ay dageen Alshabaab ayaa aheyd mid ku dhisneyn is difaacid iyo weerar xagal kadib markii ay awoodooda isugu geeyeen Buulo Burde ayna daba mareen B/weyn si xooga saarnaa Buulo Burde u qafiifo.

 

Lama saadaalin karin marxaladaha cusub ee is bad badalka badan ee xilligan ka aloosan Hiiraan, waxaana saacad kasta dhici kara is badalo dhanka awooda oo ku yimaada deegaanada uu loolanka ka jiro.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this