Deeq A. Posted December 18, 2023 Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada. Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn. Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sannadkii 2014-kii – isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay. Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018. Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo. Source Share this post Link to post Share on other sites