Sign in to follow this  
Deeq A.

Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn.

Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sannadkii 2014-kii – isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay. Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018. Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this