Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya oo xidhay gabadh lagu eedeeyay inay faafisay muuqaallo anshax xumo ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee ayaa sheegay inuu xidhay Bishaaro Idiris Maxamed oo ku magac dheer Bishaaro Balaayo oo ahayd gabadh dhallinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaallo anshax xumo ah oo ay dhibsadeen bulshadu.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha, ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana lagu soo eedeeyay in ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka Bulshada.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo lagu oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada Soomaalida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this