Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda ku dhaliilay in ayna qaban ciyaartii Horyaalada Caasimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed: Xisbiga WADDANI oo sheegay inuu ka Xun Yahay in Toddobaadkii 5-aad aan la Ciyaarin Horyaaladii Caasimada Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)Xisbigga WADDANI waxa uu aad uga xun yahay in toddobaadkii 5-aad aan la ciyaarin Horyaaladda heerarka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee Caasimadda Hargeysa, sababta ugu weyna ay tahay Gunnooyinkii Garsoorka iyo Hawl-wadeenadda kale oo maqan.

Xisbigga WADDANI waxa uu toddobaadkii hore uu shaaciyey in lacagtii Gunnooyinka Garsoorka ee kulamadda ka hadhay Horyaaladda Caasimadda la Amaahiyey Wasiirkii hore ee Xilka laga qaaday, waxaase lacagtaasi oo ahayd 30,000,000/Sl.shilling uu Wasiirkii hore bixiyey Sabtidii hore intii aanan Xilka laga qaadin, kuna Wareejiyay Guddoomiyaha XKCSL.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Guddoomiyaha XKCSL uu lacagtaasi uu isticmaalay oo isaga ay ku maqan tahay, taasina ay sababtay inaan Maanta la shaacinin kulamaddii la ciyaarihii lahaa Horyaaladda Caasimadda ee Toddobaadkan.

Ugu dambeyn, Xisbigga WADDANI waxa uu ugu baaqaya Kooxaha kala duwan ee heerarka kala duwan inay la Xisaabtamaan Guddoomiyaha XKCSL iyo Xubnaha Fullinta ee XKCSL. Dhanka kale Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waa inay sida ugu dhakhsaha baddan ay wax uga qabato arrrintaas ceebta iyo fool-xumadda ah, haddii kale ka Xisbi ahaan waxaanu u arragna inay raali ka tahay in la musuqmaasuqo Gunnooyinka Garsoorka.

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this