Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoddobo Lagaga Hadlay Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoddobo Lagaga Hadlay Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI

IMG-20231218-WA00143.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Shirka Guddida Fulinta iyo xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee xisbiga. Fadhigan oo uu guddoominayay kusimaha guddoomiyaha mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa si weyn loogu lafo guray marxladda siyaasadda iyo ammaanka ee dalku marayo.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa masuuliyiinta xisbiga warbixin ka siiyay Qorshaha xisbiga ee xaaladda Somaliland ee arrimaha doorashooyinka iyo nabad galyada.

Hoggaanka xisbiga iyo masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga ayaa fadhiga maanta ka jeediyay warbixino ku aaddan marxladda wakhtigan ee Somaliland iyo qorshaha xisbiga ee ku aaddan nabadda iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this