Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jamaal ha la waydiiyo dhaamkii weynaa ee Badarwanaag laga qodi lahaa iyo adeegii bulshadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Jamaal ha la waydiiyo dhaamkii weynaa ee Badarwanaag laga qodi lahaa iyo adeegii bulshadda
IMG-20231218-WA0015.jpg

Xildhibaan Jamaal ha la Xisaabtamo Xukuumadda uu taageero oo aan waxba u qaban deegaanada laga soo doorto.

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka tirsan Golaha Wakiillada waxa habboon inuu la xisaabtamo dawladda dhexe ee Muuse Biixi, ee uu taageero inta uu ku eedaynayo Maayarka Caasimada oo ummaddu ka marag furtay waxqabadka uu muujiyay muddada uu joogay.

Xildhibaan Jamaal waxa la gudboon inuu meel ku sheego dhaamkii isaga iyo Xukuumaddu ka dhagax dhigtay Bandar-wanaag sideed bilood ka hor oo aan waxba laga qaban dhaamkaasi oo balaciisu uu aad u weynaa ilaa hada lama hayo waxa uu ahaa magac u yaal, dadkii deegaankuna way ka qanceen. Waxana marar badan loo sheegay deegaanka in dhaamkii ay xukumaddu samayn doonto bali yar oo aan ahayn kii xukuumaddu ay balan qaaday ee dadka deegaanka oo dhami ogaayeen

Sidoo kale deegaanada xildhibaan Jamaal laga soo doorto ee bariga Hargeysa waxa ay aad uga hooseeyaan deegaanada kale ee gobolka Maroodijeex haday noqoto waxbarasho, beeraha, adeega caafimaadka iwm. Arinkaasi dabagalkeeda ayuu u baahanyahay xildhibaan Jamaalna waa ka gaabsaday in uu xukuumadda ku dhaliilo manay ahayn in uu maanta maago nin shaqadiisii ka adkaaday oo dadka oo dhami arkayaan

Sidaas darteed xildhibaanku ha la xisaabtamo Xukuumadda Muuse ee uu taageero oo mudan in tooshka lagu ifiyo waxqabad la’aanta deegaanada bariga Hargeysa oo ka arradan mashaariicda horumarka.

Waxa markhaati ma doon ah in dawlada hoose ee Hargaysi ay bariga Hargaysa ka hirgalisay wadooyin wanaagsan qaarna la wado oo dhamaystir ku dhow, hadii uu maayarku uu xaafadaha kale ee magaalada wax u qabtay waan ku amaanynaa kama xumin, xaafda ay doonto ha noqtee Hargeysa waa isku mid tii wax loo qabtaaba, wixii naga dhiman Maayarka iyo ku xigeenkiisa iyo dhamaan golaha deegaanka waxa aanu cabashadayda ugu gudbinaynaa qoraal ama kulan ayaanu ka samaysan doonaa aanu wax ugu sharaxno..

La soco qaybta kale ee qoraalkani

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this