Sign in to follow this  
General Duke

Marka: Somali interior minister lead delegation arrive in Lower Shabbele.

Recommended Posts

Marka: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta gaaray Magaalada Marka

13. februar 2008

 

Marka (AllPuntland) - Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Muuse Nuur Amiin ayaa maanta gaaray Magaalada Marka.

 

Wafdiga ka socda Baarlamaanka iyo Xukuumada ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay soo eegida xaalada Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona boqolaal ruux oo caleemo qoyan sitay ay si weyn ugu soo dhoweeyeen Xarunta Gobolka.

 

Xubnaha Wafdigan oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Muuse Nuur Amiin ayaa waxaa ka mid ahaa Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, Xildhibaan Afaraale iyo xubno kale.

 

Xubnahani ayaa socdaalkooda ka sheegay meel fagaaraha ah oo dad boqolaal gaaraya isugu soo baxeen, iyadoona uu ugu horeyn halkaas ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Xaabsade ayaa sheegay in ay Magaalada Marka u yimaadeen, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen, xaalada nabadgelyo iyo tan bani'aadanimo ee Gobolka.

 

Waxa uu daboolka ka qaaday in Gobolka aanu hoy u aheyn waxa uu ku sheegay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, isagoona intaa ku daray in markii hore ay u heysteen in Deegaanada Gobolka Sh/Hoose ay aheyd meel hoy u ah kooxaha dowladda ka horjeeda sida uu yiri.

 

Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka ayaa dhowr maalmood ku sugnaan doona Magaalada Marka, iyadoona halkaas kulamo kula qaadaya Xubnaha Maamulka Gobolka iyo Hey'addaha Sama falka ee ka howl gala Gobolkaas.

 

Waa markii u horeysay ee wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda iyo Baarlamaanka ku tagaan Magaalada Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose.

 

C/casiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta soo Gaaray G/Shabeelaha Hoose.

 

Afgooye,(WNT):-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka soomaaliya ayaa Maanta soo gaaray gobolka shabeelaha hoose iyaga oo kulamana halkaasi kula qaatay madax ka tirsan Maamulka.

 

 

Wafdigaan ayaa markii ay soo gaareen gobolka waxaa ay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka shabeelaha hoose iyaga oo ka wada hadlay xaalada gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada iyo Gobolka .

 

 

 

Markii uu shirkaasi soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka arimaha gudaha Muuse Amiin Nuur iyo Wasiirka gaadiidka Cira iyo dhulka iyaga oona dhamaantood si weyn ugu mahad celiyay maamulka gobolka shabeelaha hoose qaabka wanaagsna oo ay gobolka ugu soo dhaweeyeen.

 

 

 

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa si cad u sheegay in aysan gobolka ku sugneyn sida uu hadlka u dhigay kooxaha ka soo horjeeda dowlada federaalka soomaaliya.

 

 

 

Xaabsade ayaa intaasi ku daray in inta badan soo gaari jireen in gobolka ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda dowlada balse uu shaaciyay in haatan wararkaasi noqdeen kuwo been abuur ah.

 

 

 

Wasiirka arimaha gudaha oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in booqashadooda ay la xiriirtay sidii kormeero kala duwan ugu soo sameyn lahaayeen qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya taasi oo ku aadan ka war qabka xaalada dadka goboladaasi ku dhaqan.

 

 

 

Si kastaba waa booqashadii ugu horeeysay oo ay wafdi ka socda xukuumada Nuur Cadde ku yimaadaan gobolka shabeelaha hoose tan iyo markii la soo dhisay iyada oo taasina si weyn u soo dhaweeyeen qaar ka mid ah dadka gobolkaasi ku dhaqan.

 

 

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Afgooye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this