Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo si rasmi ah u shaqa bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1702803847739.jpg?resize=720%2C48

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo hadda shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u shaqa bilaabeen.

Guddiga ayaa shaaciyay jadwalkooda shaqo iyo shuruudaha laga rabo qofka doonaya xubinta xildhibaanka Baarlamanka lixaad ee dowladda Puntland.

Waxay sheegeen in ay bilaabatay qabasahada araajida shakhsiyaadka raadinaya xildhibaannada golaha wakiilada doorashada 2024-29.

Guddiga ayaa tilmaamay in hawshaaasi ku egtahay 25 bishan December islamarkaana 31 bisha la shaacin doono liiska cusub ee xildhibaannada Baarlamanka.

Halkaan ka akhriso warqadda guddiga

FB_IMG_1702802236874.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo si rasmi ah u shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this