Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cabdirashiid oo bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1702810108821.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in ciidamo si toos ah uga amar-qaata Madaxweyne Deni ay la wareegeen xarunta golaha kuwaas oo is hor taag ku sameeyay shaqa-maalmeedkii Baarlamanka.

Madaxweyne Deni ayuu sidoo kale ugu baaqay in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in ay sii socoto xiisadda ka taagan xarunta Baarlamanka si aysan u sababin qalalaase Amni.

Halkaan ka akhriso bayaanka

1702808525650.jpg?resize=720%2C932&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Cabdirashiid oo bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this