Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo war cusub kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaadhi oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kamaradaha qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaadhay dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad aanu lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baadhitaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaadhka.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in “Baadhitaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa aanu baxsan ee uu howlo shaqo u tagay dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu waajaho,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya .

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud .

Ka dib dhimashadii Göcer 6-dii Disembar goobta shilku uu dhacay waxaa loo diray guddi khabiirro ciidanka taraafikada ee wadooyinka ah.

Maxaa lagu sheegay warbixinta khabiirrada ee tagay goobta shilka?

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baadhitaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bariigga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin Khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaadhiga uu xoog u waday.

Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlayay wakaaladaha ayaa yidhi: “Darawalkii gaadhiga, oo boqolkiiba 100 khaladka lahaa waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay walaac ka qabaan in eedaysanaha uu soo laabto ama lasoo qabto maddaama hadda arrinta ay kasoo wareegtay toddobaad oo aan wax tallaabo ah la qaadan.

Wasiirka caddaaladda Turkiga waxa uu sheegay in baadhitanka arrinta ku saabsan uu sii socon doono isla markaana qof kasta uu sharciga u hoggaansami doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this