Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news from occupied Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamada ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay xilli Dambe la dhacay Magaalada Muqdisho Madaafiicda waa weyn

 

Xalay 3:30 Daqiiqo xilli ay soo dhawdahay Saaladda Subax ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin aad loola yaabay waxaa loola jeeday kadib markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Madaxtooyada hub marka la rido sidii Diyaarad oo kale u guuxayo la beegsadeen qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya.

 

Madaafiicdaan oo ay is weydaarsadeen kooxo aan heybtooda la garaneyn iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labo ruux halka 4 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

 

Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ahaayeen wiil iyo aabihii oo madfac uu kula dhacay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid, iyadoo madfacaasi aan la garaneyn halka uu ka soo dhacay balse sida dad badan rumeysan yihiin Madfaca ayaa waxaa uu ka soo dhacay dhinaca Madaxtooyada.

 

Madaafiicdaan ayaa mar qura bilaabatay abaarihii 3 dii habeenimo ee saqdhii dhexe ee xalay taasoo mar kaliya daryankeeda si weyn u ruxday magaalada Muqdisho, lama oga ujeedada ay ka lahaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya in dad Shacab ah oo hurdaya lala beegsado hub culus.

www.midnimo.com

 

 

Madaafiicda Qoryaha BM-ka Oo Habeenkii Xalay Ahaa Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...

 

Xalay habeenimadii goor dambe ayaa daryanka Madaafiic cul culus ay gil-gileen guud ahaan caasimada muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Rasaasta Qoryaha Lidka diyaaradaha iyo kuwa madaafiicda ayaa is weydaarsadeen kooxo aad u hubaysanaa oo aan la garanayn halka ay ka amar qaataan iyo ciidamada dowlada kmg oo garabsanaya kuwa ethiopia iyadoo ay ku dhinteen labo ruux halka afar kalena ku dhaawacmeen.

 

Dib u dhac ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee Soomaaliya la keeni lahaa

 

 

Waxaa dib u dhac uu ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee lagu waday inay Soomaaliya yimaadaan bishan Feberaayo gudaheeda, kuwaasoo ka kala imaan lahaa dalalka Yugaandha iyo Nayjeeriya.

 

Uganda oo noqon lahayd dowladdii ugu horreysay oo Soomaaliya keenta ciidammo ka socda Afrika ayaa waxaa caqabad ku noqday baarlamaanka dalkaas oo shuruudo sharciyadeed ku xiray in la soo mariyo mooshinka dowladdu wadato ee ku saabsan ciidammada Soomaaliya loo dirayo.

muslimamuslimamuslimamuslimamuslima

 

Dib u dhaca ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya loo soo diri lahaa (AMISOM) ayaa culeys kale ku sii kordhisay ka bixitaanka dalka ee ciidammada Ethiopia oo mugdi badan ku jiro.

 

Ciidammadan ayaa waxaa lagu waday inay dalka soo gaaraan toddobaadkaan waxaana dowladda Uganda saraakiil u hadlay ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ay ciidammadooda ugu soo dirayaan Soomaaliya, balse tani ay caqabad weyn ku noqon karta.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.co

Tel:002521-5573321

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ethiopian crimes against Somali people continuees..

 

2 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay, gilgilay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah, iyadoo inta badan madaafiicdaasi ay ku dhaceen deegaanada Caymiska, Juungal iyo agagaarka Xcontrol.

 

Hobyonet. Muqdisho. Isniin, Feb, 12, 2007

 

Haraa madfac BM ah oo ay dadweynaha deegaanka goobtii uu ku dhacay ay kor u hayaan

 

Madaafiicdaan, oo ay isweydaarsanayeen kooxo aan la garaneyn iyo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa madfac ku habasaday guri ku yaala xaafadda Caymiska waxaa ku geeriyooday Aabihii qoyska uu madfaca ku dhacay iyo wiil uu dhalay, iyadoo ay ku dhaawacmeen hooyadii qoyska iyo laba cunug oo ay dhaleen.

 

Madfac ku dhacay xaafadda Juungal guri ku yaala, ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay hal nin.

 

Madaafiicdaan oo billawday 3 habeenimo oo daqiiqado dhiman, ayaa waxa ay socdeen ku dhawaad qadar 30 daqiiqo ah.

 

Ciidamada Itoobiyaanka e ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyey in ay ka jawaabayeen madaafiic aan lagaraneyn halka ay ka soo dhacayaan, taasoo keentay khasaare soo gaara dadka rayidka ah ee ku sugan xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

 

 

 

Maslah Osman

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Weeraro Xalay Lala Beegsaday Villa Somalia iyo Hoteel Banaadir

 

Abaarihii sedexdii habeenimo ee xiliga Muqdisho ayaa marqur ah daryaanka madaafiicda iyo rasaasta isqabsadeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Weeraradan ayaa kooxaha iskacaabintu la beegsadeen

 

Xarunta Villa Somalia oo ay deganyihiin ciidamo gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqaysta ee soomaalida ah. Kadib markii dhowr Hoobiye ay kooxaha muqaawamada la beegsadeen xarunta Villa somalia, ayey ciidanka gumaysiga Itoobiya ku jawaabeen madaafiic ay u qaybiyeen qaar ka mid ah xaafada magaalada Muqdisho. Xaafadaha Juungal iyo Caymiska oo ay madaafiicdani kusoo dhacday ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 3 ruux iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

 

Sidoo kale ayaa weeraro baasuke iyo jebshe loo adeegsaday lala beegsaday, iyadoo weeraradaas kadib ay halkaasi ka dhacay israsaasayn xoogan oo daqiiqado socotay.

 

Weeraradan ayaa dhacay iyadoo abaarihii 7:30 fiidnimo ee xalay weeraro baasuke loo adeegsaday lagu weeraray saldhigga wadajir ee degmada Madiina, halkaasi oo sedex ka mid ah Booliskii halkaa ku sugnaa dhaawacyo ka soo gaareen

 

Weeraradaan ayaa qeyb ka ah iska caabin looga soo horjeedo ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah ee iyaga la shaqaysta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada Itoobiya Oo Madaafiic Ku Garaacey Xaafaddo Dad Rayid ah

Posted to the Web Feb 12, 03:39

 

Muqdisho (Aayaha.com) Isniin, 12 Feb. 2007 - Xalay ayaa Xaafaddo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaa ku dhacay Madaafiic Xooggan, kuwaas oo dadka Muqdiisho ay tilmaameen in ay ka soo dheceen Villa Soomaaliya oo xarun u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga dalka Soomaaliya maamulka kooxd Mbagathi.

 

Madaafiicdaan ay soo rideen Ciidamada Cadowga Iyo Maleeshiyaadka kooxda Mbagathi ayaa khasaare naf iyo maalba leh u geystay dad rayid ah oo ku sugnaa guryohooda, iyadoo xaafadda Juungal uu mid ka mid ah Madaafiicda ay soo ridden cadowga uu ku dilay wiil iyo Aabihiis .

 

Xaafaddaha Ceymiska,Juungal iyo Towfiiq ayey ciidamada cadowgu la beegsaden madaafiic fara badan kuwaas oo badankood uu illaaheey ka samata bixiyey dadka rayidka ah,mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceymiska ayaa Aayaha.com u xaqijiyey in madaafiicdaan laga soo tuuray Villa Soomaaliya, isagoo xusay in aanu garaneyn sababaha ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa kooxda Mbagathi Dadka rayidka ula beegsanayana Madaafiicda.

 

Madaafiicda ay Ciidamada Cadowgu la beegsanayaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa geystay Khasaare Xooggan waana qorshe cusub oo kooxda Mbagathi iyo ciidamada tigreegu ay ku wax yeelaynayaan shacabka rayidka ah kadib markii shacabka Soomaaliyeed uu aqoonsi iyo ictiraaf siin waayey kooxda Mbagathi, waxaana ay kooxda Mbagathi iyo itoobiyaanku shacabka yool uga dhiganayaan kadib markii ay soo baxdey wax Itoobiyaan ka diidan inay yihiin qeybaha kala duwan ee shacabka

 

Dhanak kale waxaa Weeraro hubeysan ayaa xalay habeenimadii Axadda lala beegsaday goobo muhiim ah oo ka tirsan waqooyiga iyo koofurta magaalada Muqdisho.

 

Idaacadda Banaadir iyo Hotel Banaadir oo labaduba ku yaala degmada Shibis ee waqooyiga Muqdisho ayaa lagu weeraray hub noociisu yahay Baasuuke, iyadoo la sheegay in ay weeraradaasi geysteen khasaare.

 

Weeraro iyana loo adaagsaday hubka Baasuukaha ayaa fiidnimadii xalay lala beegsaday saldhigga booliiska ee degmada Madiina, halkaas la sheegay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah maleeshiyooyinka kooxda Mbagathi.

 

Lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen weeraradii xalay lala beegsaday goobaha aan xusnay.

 

Aayaha.com

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

After the daily attack on their hiding places such as the Airport and Villa Somalia, maybe they are trying to find a new locations better suited for hiding.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamo Ethiopian ah oo soo dagay Isbitalka Digfeer

 

 

Mogadishu 12, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ciidamo Ethiopian ah oo fara badan ayaa soo dagay Isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, xilli ay soo badanayaan weerarada madaafiicda ah ee lala beegsanayo goobaha dowladda iyo dadka rayidka ah.

 

Isbitalka Digfeer oo ay dagan yihiin dad ka soo barakacay gobolada dalka ayaa waxaa dul dagay Ciidamo Ethiopian ah, iyadoo dadka soo barakacayna arinkaasi wal wal ka muujiyeen.

 

Isbitalka Digfeer oo aan shaqeyn 16 sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ilaa iyo haatan dagan dad aad u liita oo ka soo barakacay gobolada dalka, iyadoo Isbitalkaasi uu yahay Isbital dowladeed oo dadka lacag la'aan loogu daweyn jirey 16 sano ka hor.

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this