Sign in to follow this  
Deeq A.

Maayarka cusub ee Burco oo ka soo kacay miyir doorsankii saaka ku dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Deegaanka Burco oo Doortay Maayar Cusub

Hargeysa(Qarannews)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa saaka cod gacan taaga ku doortay Maayir iyo Maayir Ku xigeen cusub
IMG-20231216-WA0001.jpg
Waxaanay u doorteen Maayirka Degmada Burco Maxamed Xirsi Axmed (Maxamed Case)
IMG-20231216-WA0002.jpg
Halka Maayir Ku Xigeenkana loo doortay Suldaan Nuux Jaamac.

Waxa ay xilkii ka qaadeen Cabdirisaaq Heero iyo kuxigeenkiisii, waxana ay wararku sheegayaan in ay xilka qaadistaasi lagu sameeyay maayarka iyo ku xigeenkiisa ay dabada ka riixaysay Xukuumadda Muuse Biixi.

Waxana ay wasaarada arimaha guduhu soo dhawaysay isbadalkaasi cusub

Dhanka kalena Maayarka cusub ee la doortay ayaa ka soo kacay miyir doorsan saaka ku dhacay waxana wararku sheegayaan in xaaladiisa caafimaad ay caadi ku soo noqotay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this