Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye oo xukunno adag lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   
411504473_829619065871368_26476725702288

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macallin Axmed) oo labaduba lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Daaciish.

Labadaan nin ayaa horay uga tirsanaa Al-Shabaab, balse markii dambe waxa ay u wareegeen dhanka kooxda Daacish, iyaga oo uga howlgalayay magaalada Muqdisho.

“Cabdiqani iyo Axmed ayaa horay uga mid ahaan Khawaarijta Alshabaab bale usoo digo rogtay Daacish. Waxa looga tashkiiliyay mid waliba aaladda xiriirka dadweynaha gaar ahaan Telegramka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada 16-kii October ee sanadkan, waxaana ciidamada ay qabteen Cabdiqani oo watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnuur oo ku yaalla xaafadda  Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley,

Sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga soo helay agabyada loo istcimaalo qaraxyada, kadib baaris dheer oo ay ku sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan December ee sanadka 2023-ka.

Garsoorka oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya Gaashaanle Xassan Cali Nuur (Shuute).

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee soo galay gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

The post Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye oo xukunno adag lagu riday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this