Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa saaka ka socda xarunta Baarlamanka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1702711763698.jpg?resize=720%2C48

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa saaka shir gaar ah ku ballansan xarunta Baarlamanka.

Wasiirka Amniga Puntland oo ay weheliyaan Taliyaha Booliska iyo mas’uuliyiin kale ayaa sida wararku sheegayaan saaka xarunta Kula ballansan Guddoonka Baarlamanka.

Labada dhinac ayaa shirkooda uga hadlaya xal u raadinta xiisadda ka taagan wareejinta xarunta Baarlamanka oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xukuumadda ayaa xalay ku wargelisay Abwaan Cabdirashiid in uu xarunta Baarlamanka u banneeyo guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada 2024 si ay shaqada u bilaabaan.

Waxaase arrintaas ka horyimid Guddoomiyaha oo diiday in uu xarunta ku wareejiyo guddiga oo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn islamarkaana aqoonsi haysan.

PUNTLAND POST

The post Maxaa saaka ka socda xarunta Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this