Sign in to follow this  
General Duke

Somali President arrives in Mogadishu, rules out dialogue for now.

Recommended Posts

Somali president rules out dialogue

 

MCYA.jpg

 

The president of the transitional Somali government has ruled out negotiations with the Council of Islamic Courts, now besieged in the country's southern tip.

 

Abdullahi Yusuf entered Mogadishu, the capital, on Monday for the first time since taking office in 2004, protected by his soldiers and Ethiopian troops who helped rout the Islamic courts.

 

"With regard to holding talks with the courts, this will not happen," Yusuf told Al Jazeera in an interview before flying to Mogadishu.

 

"We will crack down on the terrorists in any place around the nation."

 

Yusuf said that Somalis who hate the presence of Ethiopian troops on their soil are in the minority.

1_205339_1_5.jpg

Somali government forces have begun to patrol the once lawless city of Mogadishu [Reuters]

 

 

He said: "We are a legitimate government which requested the help of Ethiopian troops so we could achieve security and stability in Somalia.

 

"We are working so alternative troops can replace the Ethiopians such as African troops. And if Arab states want to send troops, we have no objection."

 

Yusuf also told Al Jazeera that his country needs the peacekeepers to back up the Somali army now stationed all over the country to quell violence.

 

Mop-up campaign

 

Even as the Somali president spoke, Ethiopian jets and soldiers attacked the remnants of the Islamic courts, part of a campaign to finish off the hard core of the militia who have vowed to fight on.

 

Hassan Mursal, a local resident, told Reuters: "The warplanes this morning struck at a location 18km from Afmadow where Islamic troops are hiding. So many Ethiopian and government troops driving dozens of military trucks passed there today."

 

Your Views

"Somalia supports the goverment's vision and its values"

 

Liban, Galkio, Somalia

 

Send us your views

 

Earlier on Monday, government and Ethiopian forces captured what they said was a jungle base used by the militia in southern Somalia.

 

A government military commander said later that Ras Kamboni was taken after a two-day campaign using ground forces and air support.

 

Mohammed Adow, Al Jazeera's correspondent in Somalia, said: "Taking over Ras Kamboni denies Islamist fighters a base from which to launch their guerrilla attacks.

 

"It leaves them sandwiched between the US forces patrolling the coast and Kenyan forces stationed at the border."

 

Turnaround

 

Yusuf's entry into Mogadishu marked a remarkable turnaround in the Somali capital that the Islamic courts ruled for six months until the end of December.

 

"The president has arrived. He is now in Villa Somalia," Abdirahman Dinari, the government spokesman, said.

 

The bullet-scarred Villa Somalia compound is the former palace of Mohamed Siad Barre, whose overthrow in 1991 as Somalia's last national president triggered more than 15 years of anarchy.

 

The UN-recognised transitional authorities had been unable to install itself in Mogadishu first because of local commanders in the government who opposed giving up their turf, and later because of the Islamic courts.

 

Adow said: "There are many government soldiers on the streets [of Mogadishu], but underneath it looks as though no one is in charge."

 

Alternative force

 

The Ethiopians have said they want to pull out of Somalia in a matter of weeks, while an African peacekeeping force is being assembled to fill the anticipated vacuum in security, which the Somali transitional government admits it cannot handle on its own.

 

In Addis Ababa, the Peace and Security Council of the African Union (AU) agreed to increase the number of troops to be deployed to Somalia from a proposed 8,000-strong deployment.

 

An official said on Monday the AU would meet again to decide on how many.

 

"The security council underlined the need for an urgent deployment of peace support mission to Somalia," Said Djinnit, the AU's peace and security commissioner, said.

 

Political process

 

Djinnit said: "The council also stressed the need for an all-inclusive political process as called for in [the Somalia] charter."

 

He said the meeting had called on other countries to fund the peace mission.

 

Abdikarim Farah, Somalia's ambassador to the AU, said the deployment of peacekeepers would require $150m for the first six months.

 

The US said on Friday that it was contributing $16m and the European Union has said it would also contribute.

 

Louis Michel, the EU aid commissioner, said in Brussels: "But first of all we want to know which kind, which troops, how many people, which mandate, and so on."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia president arrives in Mogadishu

Mon. January 08, 2007 07:31 am.

 

_41635588_yusuf203bap.jpg

 

(SomaliNet) Somalia’s president Abdulahi Yusuf Ahmed has on Monday arrived in the capital Mogadishu in undisclosed visit for the first time since he was elected as president in 2004.

 

A plane carrying president Yusuf and his delegation has landed at Mogadishu main international airport around 2:05 pm local time amid tightened the security by government forces along with the Ethiopian troops.

 

Abdirahman Dinari, the government spokesman has confirmed Somalinet the arrival of Mr. Yusuf which is seen as milestone.

 

Many government officials in Somalia capital welcomed the president at airport. He has been settled in ex-presidential palace.

 

Unconfirmed reports say that president Yusuf will stay in Mogadishu where he will continue his national duty and the government will entirely relocate in the capital since it now controls south and central Somalia.

 

Most of residents in the capital see the arrival of the president in Mogadishu as positive step forward.

 

Earlier, Somalia’s president Abdulahu Yusuf believed Mogadishu as base for terrorists.

 

Sources close to the president say that Mr. Yusuf will deliver speech tomorrow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalian_President_Abdullahi_Yusuf_Ahmed

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horeysay duhurnimadii maanta soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Muqdisho.

 

BP. Muqdisho Isniin 8 January 2007

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno la socda ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay jagada madatinimo ee dalka 10-octobar ee sanadkii 2004.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo kuxigeenkiisa ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Lama oga in Madaxweynaha Somalia uu sii joogi doono magaalada Muqdisho iyo in uu ku laabanayo magaalada Baydhabo, waxaa uu Madaxweynaha hadda ku sugan yahay xaruntii Villa Soomaaliya ee Madaxtooyadii hore.

 

Imaansha C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo horeeyay Ciidamo fara badan oo Itoobiyan ah kuwaas oo iyagana soo gaaray Caasimadda waaberigii saaka.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa horyaala inuu wax ka qabto Xaaladda ammaanka Magaalada Muqdisho kadib markii sida muuqato ammaankii faraha ka baxay.

 

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu la kulmo Siyaasiyiinta Gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka xubnaha Dowladda iyo Mas’uuliyiin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llahi Yusuf oo ka hadlay imaanshihiisa Muqdisho

8 Jan 8, 2007, 09:17

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Muqdisho soo gaaray maanta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Muqdisho dhowr iyo toban sano kadib.

 

C/llaahi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xiligan ay ka jirto nabadgelyo, wuxuuna shacabka Muqdisho uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Qaranka Soomaaliyeed lugahiisa ugu istaagi lahaa, isagoo tilmaamay in shaqsi kasta oo Soomaaliyeed looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo amniga iyo taageerida dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladdooda.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa diiday in ay wada hadal la galayaan dowladdiisa maxkamaddaha Islaamiga Soomaaliyeed isagoo sheegay in aysan dhici doonin wada hadal ay la galaan maxkamaddaha Islaamiga, isahoo intaa raaciyay in ay la dagaalami doonaan argagixisada caalamka meel kasta oo ay joogaanba.

 

Mar uu ka hadlayey ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamadan ay sugayaan ciidamo Afrikaan ah oo badala oo dhawaan la filayo iney dalka soo gaaraan.

 

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyanaya caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ee Muqdisho tan iyo markii loo dhaariyay xilka Madaxtinimada 10 Oktoobar 2004.

 

Cali Muxiyaddiin Cali, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

MCYA.jpg

 

MUQDISHO: Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gaaray markiisii ugu horreysay Muqdisho, iyo Geeddi oo Muqdisho yimid

Posted to the Web Jan 08, 13:17

 

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay manta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaliya, waxan la dajiyay Madaxtooyadii hore ee Soomaliya (Villa Somalia).

 

 

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayay tani u noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya uu yimaado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

 

 

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliy, waxaana xubnahaas ka mid ahaa wasiirka Arrimaha gudaha isla marka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Xuseen Maxamed Caydiid, waxaana dhanka kale goobjoo ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha shacabka Reer Muqdisho.

 

 

 

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa harqiyay manta dadweyne fara badan oo soo dhaweynaya Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kaddib madaxweyne Yuusuf loo qaaday dhanka Madaxtooyada Soomaaliya oo uu haatan ku sugan yahay.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia dadweyne kale oo aad u fara badan, waxaana shacabka qaarkood ay isku dayayeen inay arkaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo qaarkood aysan weligood arkin.

 

 

 

Xarunta Madaxtooyada oo u daggan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo aad u hubeysan, waxaan xiran dhammaan waddooyinka soo gala madaxtooyada iyadoo dadweynaha la sii daynayo balse la xayirayo gawaarida, waxaana ciidammada booliiska ay ku sugan yihiin albaabka hore ee Villa Somalia iyagoo kala hagaya shacabka doonaya inay arkaan Madaxweynaha.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa ku yimid diyaaradii ka dambeysay middii Magaalada Muqdisho keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isaguna isla saakay ku soo laabtay Magaalada Muqdsiho kuna soo maray Madaxweynaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

 

 

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya xilliga u haray uu ku shaqeyn doono Magaalada Caasimadda ah isagoo ay fariisin u noqonayso Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo degay garoonka Muqdisho

Isniin, January 08, 2007

 

Muqdisho(AllPunland)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor kasoo degay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid iyo dadweyne kale.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay haatan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo xarun u ahaan jirtay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimoqraatiga Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee geeriyooday.

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka oo garoonka kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu saldhigan doono magaalada Muqdisho balse socdaalkiisa aheyn mid booqasho ah,wuxuuna intaa raaciyay in uu howlihii ka wadan doono Muqdisho

 

Waa markii ugu horeysay ee C/llaahi Yuusuf soo gaaro tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madawaynaha Soomaaliya oo kulan albaabadu u xiran yihiin la leh ra`iisul wasaare Geddi.

 

Isiniin, January 08, 2007

 

Muqdisho (AllPuntland)- Ra`iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geddi ayaa waxa uu kulammo la qaatay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya oo dhowaan gaaray magaalada Muqdisho.

 

Ra`iisul wasaare Geddi oo ka qayb qaatay soo dhowaynta madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu war bixin u gudbin doono madaxwaynaha Soomaaliya, taasoo ku aadan socdaal uu dhowaan ku tagay wadanka Kenya.

 

Mudane Geddi ayaa maanta waxa uu ka soo dagay garoonka diyaadaha ee magaalada Muqdisho, isaga oo Nayrobi kula soo kulamay Jendy Frazer oo u qaabilsan wadanka Maraykanka arimaha Afrika.

 

Madaxwaynaha iyo Ra`iisul wasaaraha ayaa waxa ay haatan si wada jir ah ugu jiraan kulan ay albaabadu u xiran yihiin, iyada oo aan saxaafadda loo shegin wax yaabaha ay ka wada hadalayaan.

 

Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay haatan ka bilaabato hub uruurin tii ay xukuumaddu ku dhawaaqday ee ku aadanayd hubka yaalla magaalada Muqdisho.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

abdullahi_arrival.jpg

 

Madaxweynaha Somaliya oo soo gaaray magaalada Caasimada ee Muqdisho

Last Updated::2007-01-08 14:24:34

 

Muqdisho:- Waxaa goor dhaweyd kasoo degay Airporka Muqdisho Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya.

 

Madaxweynaha oo ay diyaarad khaas ah kasoo qaaday magaalada Baydhabo ayaa kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayey airporka kusoo dhaweeyeen dhamaan xubnaha DFKMG ee ku sugan Muqdisho iyo dadweyne kale.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayey safarkiisa ku wehliyaan xubno isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo kasoo raacay xaruntii kumeel gaarka ahayd ee Baydhabo.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey dhinaca Hotel Naasahablood halkaasi oo loogu sameeyey Qado.

 

Madaxweynaha ayaa u gudbay Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya oo ay maanta ka socoto qaban qaabo weyn oo lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha DFKMG.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa markii ugu horeysay tagay Caasimada Somaliya, tan iyo sanadkii 2004 markii loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo ay Dunnida ictiraafsan tahay oo fadhiisin ka dhigta Madaxtooyada Caasimada ee Villa Somaliya, tan iyo intii ay burburtay Xukuumadii hore ee Marxuum Maxamed Siyaad Bare.

 

Ciidamo horleh

 

Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ciidan gaaraya 600 kuwaasi oo ah ciidamada DFKMG ee lagu tababaray xerada Manaas ee gobalka Bay.

 

Ciidamadan oo isku dhaf ah ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho ayey xalay ka dhaceen weerar lagu qaaday qaar kamid ah Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo marayey jidka KM4.

 

Amniga magaalada ayaa xalay illaa iyo saaka si weyn loo sugay, ayadoo ay jidadka waaweyn ee magaalada ka muuqdeen ciidamada DFKMG iyo gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this