Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridka Puntland oo si adag uga horyimid hannaanka loo maamulayo doorashada 2024

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1702721582343.jpg?resize=720%2C48

Dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa si adag uga horyimid hannaanka Madaxweyne Deni u wado doorashada 2024.

Bayaan maanta oo Sabti ah ka soo baxay Mucaaridka Puntland ayay ugu horrayn ku caddeeyeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Waxay sheegeen in Madaxweyne Deni uu guddiga u magacaabay xubno ka tirsan Qaraabadiisa iyo sidoo kale xubno ka socda xisbiga Xukuumadda ee KAAH sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu fara-gelin ku hayo beelaha Puntland ee xulanaya xildhibaannada cusub islamarkaana khilaaf iyo jaah-wareer ka abuuray beelaha dhexdooda.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Mucaaridka Puntland oo si adag uga horyimid hannaanka loo maamulayo doorashada 2024 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this