Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Boorama: Xuska Duqayntii Diyaaradaha Itoobiya Iyo Dhimashadii Ardayda Dugsiga Hoose

Recommended Posts

Umad kasta waxay leedahay Maalmo ay ku xusto taariikhdeeda kuwaas oo ay ka dheehato xumaan iyo wanaagba. Hadaba 30 January oo ku beegnayd Maalintii shalay ahayd ayaa iyadu ah maalin aad ugu weyn dad-weynaha reer Boorama oo ay ku xasuustaan 30/01/1984 taas oo ahayd maalintii ay diyuuradaha itoobiya si ula kac ah u duqeeyeen dugsiga hoose ee Wiilasha Elementry oo hada loo yaqaan Dugsiga Hoose Dhexe Sh.Cabdiraxmaan Qaalib oo ku yaal badhtamaha Magaalada Borama kuna dileen Caruur Arday ah iyo Macalimiin aan waxba galafsan.

 

Hadaba waxaan arintan wax ka weydiiyey Faysal Maxamuud Kaadiye oo yidhi “Hadii aan dhacdadan Murugada leh aan dib ugu noqdo ayaa jawiga maalintaasi wax uu ahaa mid ay samada Daruuro buuxiyeen buurahana ay ceeryaamo ku gadaaman yihiin isla markaana saacadu ahayd 10:45 subaxnimo aniga oo ka mid ahaa ardayda wax ka baranaysay waqtigaas Dugsiga sarre ee Sheekh Cali Jawhar waxana aan ugu horayntii Maqlay Sawaxanka Dayuuradaha ka dibna waxa ay maqleen in ah ahayd gariirka iyo jabaqda gantaalaha ay dayuuraduhu ridayeen daqiiqado ka dib markii aan dibada u soo baxnay ayaan aragnay qiiqa samada isku shareeray, intaa dabadeedna dhamaan ardaydii iyo Macalimiintii Dugsigaasiba ay u soo dhaqaaqeen dhankaas iyo Magaalada halkaas oo aan aragnay dhismihii Dugsiga Hoose ee Elementry-ga oo gabi ahaanba dhulka la siman ka dibna dad ka yimid dhakhtarku ay ii sheegeen in walaashay ay ka mid tahay Macalimiinta ku geeryootay Duqaynta ay Dayuuraduhu u la beegsadeen Dugsigaas ka dibna halkaasi aan kula kulmay Dhimasha walaashay oo ahayd gabadh aad iigu dheerayd ka sakow caruurta aan walaalaha nahay.

 

Diyaaradahaas oo tiradoodu ahayd Afar Nuucooduna ahaa MIIG23 kuna hubaysnaa hub casri ah.

 

Dadka ku geeryooday halkaas tiradoodu dhanayd 80 qof ayna ku dhaawacmeen 200 oo qof oo iskugu jiray arday,macalimiin iyo dadweyne kale oo ku dhawaa goobtaas ay mashaqadu ka dhaday ka dib waxaa gurmad xoog leh dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintayba u fidayey shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl galayey magaalada Borama kuwaas oo dadkii dhaawaca halista ah u qaaday Dalka Ingiriiska.

 

Hadaba Sobobta igu dhalisay xusuustan hada wakhtigaas oo ay ka soo wareegtay mudo 26 Sanno ah waxa weeyi in maalintaasi guud ahaan dadweynaha reer Borama ay xasuustaan balse aanay lahayn Xus u gaar ah oo maalintaasi ay ku xusaan reer Borama sidaas darteedna loo baahan yahay in loo sameeyo xusuuswadareed u gaar ah Ardaydii iyo Macalimiintii aan waxba galabsan ee ku dhintay gacanta cadawga, kuwaas oo hada ku aasan xabaal wadareed 1.5km oo kaga began W/Galbeed Magaalada Borama.

 

Si kastaba ha ahaatee Dayuuradahan wakhtigaas burburiyey Dugsigaas iyo Magaaladaba ay dadka qaar wax ay sheegaan inay ka danbaysay goynta xadiidka Tareenka isku xidha Itoobiya iyo D.jabuuti oo koox haybtooda la garanayni khasaaro u gaysteen Tareenka u kala goosha D.Jabuuti iyo Itoobiya Gaar ahaan Deegaanka Shiniile , Taas oo la sheegay inay ahayd sabobta keentay Duqaynta iyada oo ay dawlada Itoobiyana uga dan lahayd Aar goosasho, Falkaas cadawtinimada ahna ay u dhinteen Dad aan waxba gaysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba aynu Xusuusano Duqayntii Boorama ee 30 kii Janaury 1984-kii

 

 

Waxay aheyd subax isniineed 30kii january 1984 .Xilligu waa jiilaal, dhulka oogadiisa oo dhan waxaa ku shaqlanaa dhedo iyo ciiro ay soo jiiteen buuraha dhaadheer ee magaalada ku xeeran .Dadku nabad ayey ku waabariisteen

intooda badanina waxay ku foofeen hawl maalmoodkoodii, ganacsatadu waxay fureen iridihii meheradahooda, dadkuna waxay bilaabeen wax kala iibsi .Waxay aheyd goor ay bulshadii miyigu iyagoo wada waxyaabihii noloshooda iyo magaaladaba lagama maarmaanka u ahaa sida: Subagga, caanaha, qoryaha (xaabada), dhuxusha iyo xoolahaba ay ku soo beegnaayeen badhtamaha suuqa Waxay aheyd wakhti intii safreysay iyo intii sagootineysayba ay is lahaayeen tusan iyo macasalaama. Wakhtigaas ardeyda iyo macalimiintuba waxay ku hawlanayeen dhigita iyo dhageysiga casharada dugsiga.

 

Cidina ma fileen wax dareen colaadeed oo ku soo fool leh. Hase yeeshee waqti ay saacadu aheyd tobankii subaxnimo ayaa dadka qaarkii ay maqleen guux ,dareen weyn baa galay dadka ,hase yeeshee samada waxba lagama arkeyn oo dhedo iyo ciiro ayaa weli ku shaqlaneyd buuraha figtooda. Guuxii waa uu soo dhawaaday dadkii oo dhamina sakati iyo werwer ayey dhagaha la taageen, cidise ma haleelin dhaqaaq ka badan dhowr talaabo. waxa markaliya isha lagu dhuftay oo soo kulay dadkii raxan diyaaradaha dagaalka oo ka soo dhex baxay ceeryaantii kuwasoo soo laalaadiyey gantaalihii iyo bombooyinkii ay xambaarsanayeen. Magaaladii oo dhan waxa qariyey siigo, olol onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday argagax naf iyo noloba ka quusiyey.

 

Weerarkaas bahalnimada waxa geystay lix dayuuradood oo ah ku dagaalka oo noocoodu ahaa miig 21 iyo miig 23. Isugeyntii dadkii ku dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 ka mid ah ay ahaayeen ardeydii dugsiyada hoose ee degmada Borama.. kuawsoo da,adoodu udhaxeysay 6-14 jir iyo afar macallin oo shaqo qaran ahaa. Waxa kaloo ku dhaawacmay 110 kale oo iskugu jira arday iyo shacbiga ba.,iyadoo isla markaana ay burburiyeen 70 guri iyo afar dugsi oo hoose /dhexe iyo xaruuntii xanaanada caruurta (MCH)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this