Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Way Geli Kartaa Jaho-wareer, Somaliland waa run inay Tahay Jamhuuriyad” Tibor Nagy

Recommended Posts

Deeq A.   

“Soomaaliya Way Geli Kartaa Jaho-wareer, Somaliland waa run inay Tahay Jamhuuriyad” Tibor Nagy

Hargeysa(Qarannews)Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Tibor Nagy, ayaa sheegay in ay run tahay inay Somaliland tahay Jamhuuriyad.

Mr.Nagy oo ahaa diblomaasi hore oo Maraykanka u fadhiyi jiray Itoobiya, kana mid ah siyaasiyiinta sida dhow uls socda siyaasadda Geeska Afrika, ayaa bartiisa X ee hore u ahaan jirtay Twitterka, kaga hadlay tallaabadii ay Wasaaradda Khaarajiga Kenya uga gubatay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Senateka dalkaas oo ka hadlay cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Kenya.

IMG-20231213-WA0023.jpg
“Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya wuu isku dayay inuu saxo hadalkii Guddoomiyaha Senateka Mr Kingi oo Somaliland ku sifeeyay “Jamhuuriyad” islamarkaana shaaciyay in Kenya ay la leedahay cilaaqaad soo taxnaa tan iyo xiligii gumaystaha,” ayuu yidhi Tibor Nagy.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Soomaaliya way geli kartaa Xaalad jaho-wareer, hase ahaatee waa run iyo xaqiiq in Somaliland ay tahay “Jamhuuriyad”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this