Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaafka doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1702458646087.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa gebi ahaanba ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Deni.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan kooban oo soo saaray ku diiday guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee 2024.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddiga uu magacaabay Madaxweyne Deni aysan ahayn kuwa qaban kara doorasho hufan oo dhammaan dhinacyadu ku kalsoonaan karaan.

“Waxaan caddaynaynaa in guddigaasi aanu jidaynayn doorasho hufan oo ay ku kalsoonaan karaan musharrixiinta tartamaya” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaar kamid musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid guddiga oo ay ku tilmaameen kuwa aan dhex-dhexaad noqon karin.

FB_IMG_1702457894172.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaafka doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this