Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo la filayo in maanta laga cafiyo deymaha lagu leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Washington waxaa maanta la filayaa in lagaga dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyey deyntii sannadaha badan lagu lahaa.

Dayn cafintan ayaa waxa ay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u ogolaan doonta inay dib ugu mid noqoto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ka dib ku dhawaad 30 sanno.

Golaha sare ee Bangiga Adduunka ayaa la filayaa in maalinta oo Arbca ah ay ansixiyaan barta ugu dambeysa ee dayn cafinta Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay xubno katirsan guddiga sare ee IMF.

Ansixintaas ka dib “Soomaaliya waxay heli doontaa deyn cafis weyn taasoo hoos u dhigi doonta deymaha dibedda lagaga leeyahay oo gaadhayay in ka badan 4 bilyan oo dollar.

Horaantii bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd muddo 30 sanno ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this