Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Turkiga oo dalbaday in caddaaladda la horkeeno wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa waajaheysa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya shacabka dalkeeda, kuwaas oo dalbanaya in caddaaladda la horkeeno wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu ka soo baxsaday Turkiga kaddib markii uu shil baabuur oo khasaare geystay ka geystay magaalada Istanbul

Yunus Emre Gocer, oo ahaa darawal mooto, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay,  markii uu jiidhay gaadhi uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Istanbul.

Daraasiin dad ah, oo ay ku jiraan kooxaha mootooyinka ka shaqeeya, ayaa mudaaharaad ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanaya in wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu waajaho maxkamadeynta dilka Gocer.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay wiilka madaxweynaha, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan.

Isniintii, diblumaasi Soomaali ah oo ku sugan Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in wiilka madaxweynaha uu u safray Dubai, wax yar kadib markii uu dhibbanaha ku dhaawacmay shilka uu geeyay cisbitaalka.

Dublamaasiga oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa walaac ka muujiyay in shilkaas dhimashada sababay uu waxyeeleeyo xidhiidhka ka dhaxeeya Turkiga, islamarkaana uu saameyn xun ku yeesho Soomaalida ku nool Turkiga.

“Waxaa laga yaabaa in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga iyo xubnaha ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu yidhi. “Cabsida ayaa ah in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuldareysto inuu wiilkiisa dib ugu celiyo Turkiga si uu u waajaho caddaaladda, taasi waxay xumeyn kartaa xidhiidhka labada dal.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this