Deeq A. Posted December 13, 2023 Itoobiyaan badan ayaa nolol u raadsada waddanka xeebta leh ee Jabuuti, iyaga oo qaarkood ka hakaday safar halis ahaa oo ay ku tagi lahaayeen wadamada Bariga Dhexe. Sidoo kale qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan, askar dalal kala duwan ka timid oo xerooyinkooda millatari ay ku yaallaan, darawallada gaadiidka xamuulka qaada, Aasiyaan dhisme ku jira iyo kuwo kale, ayay Jabuuti ku soo dhaweysay dalkeeda. Jabuuti oo ah dalka keliya ee lagaga hadlo Faransiiska ee Geeska Afrika, waxa ku xeeran wadamo luqadda Ingiriisiga u isticmaala luqadda shaqada ama waxbarashada. Sidaas darteed, waxaa jira tiro badan oo muhaajiriin ah oo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ah. Gezashew Ghoshu, oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Jabuuti, ayaa sheegay in tirada dadka Itoobiya ee ku nool dalkaas lagu qiyaaso 150,000 ilaa 200,000 oo qof. Qaar ka mid ah aqoonyahannada reer Jabuuti ayaa tirada u arka in intaasi ay ka badantahay. Inta badan muwaadiniinta dalkaas ayaa ku nool caasimadda Jabuuti. Marka laga reebo, Cali Sabeh, Dikil, Tajuura, Carta iyo Obok waa gobolladeeda. Dalkan oo ah marin laga soo galo Itoobiya oo aan bad lahayn, ayaa waxaa ku nool tiro badan oo Itoobiyaan ah oo aan sharci haysan. Ato Cali ayaa yiri “waa wadan ku haboon in bulshadeena ay ku noolaato”. “Gaar ahaan dadka ku nool bariga iyo waqooyi bari waxay Jabuuti u arkaan gurigooda labaad.” Waxa uu intaasi ku daray “Waa wadan wanaagsan in laga shaqeeyo hadii si sharci ah lagu soo galo oo aad shaqeyso”. “Dad badan oo naga mid ah ayaa halkan ku koray oo ka shaqeeya”. Muwaadiniinta aan sharciga lahayn Itoobiyaanku waxay u hayaamaan jihooyin kala duwan si ay nolol dhaanta tan dalkooda u helaan iyagoo sii maraya saddex waddan oo jaar ah. Suudaan ayay uga sii gudbeen Liibiya iyo Yurub, Kenya oo ay u sii gudbeen Koonfur Afrika iyo Jabuuti oo ay uga sii gudbeen Bariga Dhexe. Dhanka kale, Ato Gezachew, oo ah dublamaasi u dhashay dalka Itoobiya, ayaa sheegay in inkastoo Itoobiyaanku dhowr sano ku noolaayeen Jabuuti, haddana ay ku adag tahay in ay helaan sharci deggenaansho. Taasi waxay ku adkaysay inay carruurtooda u diraan goobaha waxbarashada. Dowladda Jabuuti ayaa si bilaash ah ku siisay dhul dhan 4 hektar si ay iskuul ugu furaan jaaliyadda Itoobiya, waxaana ay ku uruurinayaan lacag ay ku bilaabaan dhismaha oo ah 5 milyan oo dollar. muhiim u ah gobolka. Dhanka waqooyi waxaa dega canfar, dhanka koonfureedna waxaa jooga Soomaali. Labadan qoomiyad ayaa sidoo kale ku nool wadamo kale oo jaar ah oo ay ku jirto Itoobiya. Muddo 24 sano ah ayaa laga joogaa markii uu talada dalka qabtay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo ku dhashay dalka Itoobiya. Xisbiyada Mucaaridka ah ee ka hawlgala dalka ayaa Madaxweynaha ku eedeyay inuu ku shubtay doorashada. Ma jirto warbaahin gaar loo leeyahay oo Jabuuti ka jirta marka laga reebo warbaahinta dowladda. Waxaa sidoo kale xanibaad lagu soo rogay baraha bulshada kadib colaada u dhaxaysa Canfarta iyo Soomaalida. Saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika waxa uu ku yaallaa Jabuuti. Japan ayaa sidoo kale saldhig millatari ka sameysatay meel ka baxsan dalkeeda markii ugu horeysay tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waana Jabuuti halka ay ka dhigatay saldhigga. Shiinaha ayaa sidoo kale saldhig milatari ka furtay. Talyaaniga, Isbaanishka, Jarmalka, Faransiiska ayaa sidoo kale ku leh saldhigyo ciidan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites