Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka SOLJA oo ka Hadlay Weriye lagu Xidhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka SOLJA oo ka Hadlay Weriye lagu Xidhay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay inay ka xun yihiin xadhiga Weriye Maxamed Aadan Ismaaciil (Jiglan) oo lagu xidhay Hargeysa

Ururka SOLJA wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga xun yahay xadhiga Weriye Maxamed Aadan Ismaaciil (Jiglan) oo Magaalada Hargeysa ku xidhan Maalintii 2aad.

Ururku waxa uu ku baaqayaa in Xorriyadiisa deg-deg loogu soo celiyo Weriye Jiglan oo lagu xidhay Warar uu ku baahiyey Boggiisa Baraha Bulshada.”

Hadaba warar xog ogaal ah ayaa sheegaaya in wariyaha Jigland uu u xidhanyahay
kadib markii uu uu faafiyay war lid ku ahaa xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti isla markaana uu sheegay in la amray in wakiilka Somaliland ee Jabuuti uu dalka kaga baxo mudo 24 saacadood gudahood sidaasina uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook

Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa beeniyay warkaasi isla markaasna sheegay in uu sharciga la tiigsan doono wariyahaasi oo uu sheegay in aanu waxba ka waydiinin waxii uu isga iyo dalkaba ka sheegay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this