Deeq A. Posted December 12, 2023 Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto. Wuxuu xeeriyey: Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:- 1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)3. S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin) Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- The post Guddiga Amniga Doorashada Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites