Sign in to follow this  
ANWAR

TFG Minister given free Land in Hargeisa

Recommended Posts

ANWAR   

Dowladda Hoose iyo Ta sare oo dad rayid ah Dhulkooddi Ina Buubaa looga qaaday

 

Is rasaasayn xoogan ayaa shalay ka dhacday goob ku taala bariga caasimada Somaliland ee magaalada Har***sa, taasi oo ka dhalatay dhul aad u balaadhan oo ay lahaayeen dad shicib ahi oo ay madaxda gobolka Har***si ay siiyeen wasiirka waxbarashada ee Somalia Ismaciil Hure Buubaa, dhulkan oo dhaca dhanka bari ee magaalada ayaa ku sii jeeda sii foorarka buuraha caanka ah ee naaso hablood.

 

Wariye goobtaasi boqday ayaa waxa uu soo arkay dadkii dhulka lahaa oo halkaasi la taagnaa waraaqihii sharciyaynta dhulkooda oo ah kuwii ay dawlada hoose iyo maamulka gobolkuba ku saxeexanyihiin isla markaasna ay ku shanbadaysanyihiin, waxa uu wariyuhu soo arkay dhisme laga bilaabay xagaasi oo ay bilaabeen wakiilada Ismaciil Hure Buubaa iyaga oo kaashanaaya ciidamo Boolis ah oo xoogan, kadibana markii ay ka dareereen habayn hore goobtaasi lagu baabiiyay oo dhulka lagu simay.

 

Xiligani ayaa ciidamada boolisku waxa ay goobtaasi ku daadgureeyeen ciidamo aad u hubaysan oo xoogan xaga dadka shicibka ah ee dhulkani laga qaaday ay iyana isi soo abaabuleen isla markaasna ay haystaan qoryo farobadan, taasi oo xiligani dusha la iska eeganaayo oo ay dhici karto in xabdu bilaabanto hadii dhismaha goobtaasi dib loo bilaabo.

 

Ismaciil Buubaa walaalkii oo ka masuul ah dhismahani socda ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu arintani ka hadlo,hase ahaatee waxa uu shee*** in uu dhismahani isagu leeyahay dhulkana uu sharci u haysto, ilo kale ayaa noo shee*** in dhulkani oo laga dhisi rabo Hotel weyn oo ka balaadhan Hote-lada Ambasadoor, Mansuur iyo Xamdi ay dhulkaasi siiyeen qoyskan dhisanaaya Maayarka iyo Badhisaabka gobolka Har***sa, isla xiligana ay ugu deeqeen ciidamo xoogan oo ay amar ku siiyeen in ay goobtaasi dufaacaan hadii la soo weeraro.

 

Dhanaka kalena sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ahi dadweynihii kala gadisnaa ee lahaa dhulkani muranku ka taagnyahay ayaa waxa ay maanta kulan la lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagu arintaasi aad moodo in uu soo kala dhexgalay labadan garab ee isku haya goobtaasi, lamana garankaro wax ka soo bixi doona kulankaasi.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee hadii aan arintaasi si deg deg ah wax looga qaban waxa ay keeni kartaa khasaarebalaadhan oo aan laga soo waaqsan oo hadhow la isku canaanto.

 

Sideedaba arimaha dhulka ayaa wali dhaliya murano iyo iska hor imaadyo sababa dhaawac iyo dhimasho farobadan sanadkastaba dhamaanba gobolada dalka, arintaasi oo ay ahayd in Barlamaanku uu u sameeyo shuruuc xoogan oo lagu soo afjaro khilaafyada ka dhasha muranka dhulka, hase ahaatee way ku guuldaraysteen in ay wax sharci ah u sameeyaan iyaga oo had iyo goor ku foogan samaynta shuruucda ku jiqsiida ah.

 

..........................................

SomaliLand is liking :D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

loooooooooooooooooooool ,,, :D:D:D

 

Are we posting what happened long time ago ?? ... where is your source Mr. President :D

 

 

Yes there was some problem in the area and some demonstrated but soon solved. The land was not given to the Minister (the looser) ,, it is for his brother who is living in Hargeisa and wants to do some projects.

 

we are not the tfg ,, we don't we deal individuals not families sxb :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this