Paragon Posted October 20, 2007 Banaanbaxyo rabshada wata oo hareeyey Magaalada Laascaano maanta(Daawo sawirada) Posted to the Web Oct 20, 18:05 Laascaano:-Waxaa saaka mar kale dib uga qarxay Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood Mudaharaad xooggan kaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan ku dhaqan Magaalada Laascaano iyadoo ay mudaharaadkaan ay soo abaabuleen dhalinyaro aad u caraysan oo jidgooyooyin ka sameeyey wadooyinka Magaalada. Dadka mudaharaadayey ayaa waxaa ay ka soo horjeedaan Maamul Beeleed ka soo jeeda gobolka Sool iyo Ciidanka Soomaaliland oo hadda gacanta ku haya magaalada Laascaano. Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maray Wadooyinka Magaalada iyagoo sida la sheegay weerar ay dhagaxaan u adeegsadeen ku qaaday Xarumo ay ka mid yihiin Saldhiga Booliska, Xarumaha Xawaaladaha iyo goobaha ganacsiga ee furnaa. Banaanbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Hotel ay deganaayeen Xuseen Taarwale iyo Cali Sandule oo ka mid ah Masuuliyiin u dhashay Gobolka Sool kana tirsan Maamulka Soomaaliland ee hadda gacanta ku haya Magaalada Laascaanood. Dadweynaha qaar ayaa ka baxay magaalada iyadoo dadka badankiisa uu aaday Magaalada Buuhoodle iyo dhinac Garoowe walow dadka ka qaxay magaalada Laascaano ay dulsaar ay ku yihiin eheladooda ku sugan howdka & dhamaan Magaalooyinka kan tirsan Gobolka Sool. wixii war ah ee soo kodha kala soco warsidaha Halgan.net NB: Isha sawirda Jidbaale Halgan.net Maryan C/llahi Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted October 20, 2007 Paragon, its very clear. That people of SSC dont want the secessionist administration. A very good alternative will soon emerge. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 20, 2007 ^^Sax. Let us hope this matter is solved peacefully. Quote Share this post Link to post Share on other sites