Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwyne Kuxigeenka Somaliland oo ka Qaybgalay Aas Qaran loo sameeyay xildhibaan hore oo golaha deegaanka ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee marxuum Xasan Halas, oo ka mid ahaa golihii deegaanka ee ugu horeeyey magaalada Boorama.

Marxuumka oo lagu aasay xabaalaha Goraya-cawl ee duleedka magaalada Borama, waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xildhibaanada golaha degaanka Borama, saraakiil ciidan iyo qaar ka mida bulshada magaalada Borama, ehelada Marxuunka iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa uga tacsiyayeeyay Qaranka Somaliland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku, waxaanu ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi wanaagsan.

Gaba-gabadii, Madaxdii, Culuma’udiinka iyo dadweynihii ka qaybgalay aaska Marxuunka ayaa ILLAAHEY uga baryeen inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, camalkiisiina inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo Qaranka Somaliland, eheladii qarabadii iyo qoyskii uu ka baxay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this