Juje Posted December 8, 2006 First armed confrontation between the TFG and ICU is being reported from Dinsor. Warar Dheeraad ah: Maxkamadaha oo sheegtay in ay qabsadeen gawaari dagaal War deg deg ah: Mogadishu 08, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal galabta ka qarxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyadoo maxkamadaha islaamka ay sheegteen in ay qabsadeen gawaari dagaal. Sheekh Ibraahim Shukri oo ah afhayeenka maxkamadaha islaamka ee gobolada Jubooyinka oo shabelle u waramayay, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ciidamo uu wato Col. Barre Hiiraale ay weerar ku soo qaadeen halkaasi, isla markaana ay iska caabiyeen. Sheekh Ibraahim Shukri waxa uu sheegay in ay ku qabsadeen dagaalkii maanta dhacay 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah, isagoo mar wax laga weydiiyay sida uu ku xaqiijin karo arinkaan uu sheegay in xiriiro uu la sameeyay horjoogayaasha ciidamada maxkamadaha ee ku sugan Diinsoor. Xiriir aanu la sameynay dhanka dowladda ayaysan inoo suurto galin in aynu helno. Ma jiro warar ka madax banaan sheegashada mas'uulkaan oo ka hadlay qasaaraha dagaalkaasi oo wali aan la ogeyn, laakiin Sheekh Ibraahim shukri mar wax laga weydiiyay qasaaraha dhankooda soo gaaray ayuu sheegay in ay jiraan dhaawacyo balse si rasmi ah aanu u ogeyn cadadkooda. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted December 8, 2006 Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo ku dagaalamaya Degmada Diinsoor Jimco, December 08, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo beryahaan isku horfadhiyay degmada Diinsoor iyo deegaano u dhow. Sidoo kalena jiritaanka dagaalkan waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay ciidamadooda jooga Degmada Diinsoor ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah. Ilaa iyo haatan ma jiraan wax faah faahin oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ka dhex qarxay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay maalmahan xumeyd isgaarsiinta Degmada Diinsoor. Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa horaantii todobaadkan waxay qabsadeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan afar degmo oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay horay maamul ugu sameysay, iyadoo taasina ay keentay in ay Dowladda Federaalka halkaasi ciidamo u dirto. Dagaalkan ka dhex qarxay labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmeysaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaaca loo diro Dowladda Federaalka, waxaana go’aankaasi ka soo horjeestay Maxamadaha Islaamka oo sheegay in haddii ciidamo loo soo diro Soomaaliya ay la dagaalami doonaan, halka Dowladda Federaalkana ay soo dhaweysay Qaraarka ka soo baxay UN-ka oo ay ku tilmaantay mid sax ah oo ay horay u codsatay Dowladda Federaalka. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 8, 2006 I hope we have clear winner this time around!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
bambo Posted December 8, 2006 Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa jab lixaad leh gaarsiiyay ciidamada Tikreega iyo kuwa la socda ee calooshood u shaqeystayaalka ah ee ku soo duulay degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Ciidamo Tikree ah iyo kuwa ka tirsan kooxda C/llaahi Yuusuf ayaa manta ku soo duulay degmada Diinsoor,waxaana jilibka u dhigay ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo dadka deegaanka. Wararkii ugu danbeeyay oo ay shabakada islaamiga Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada maxkamadaha ee ku sugan furinta hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Allaah uu garabkooda ka baxay ciidamadii duulaanka ku soo qaaday degmada Diinsoor,ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa eryanaya Tikreega iyo kuwa la socda ee sheeganaya Soomaalinimada. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aaney haatan ka hadli Karin khasaaraha lagu dhigay cadawga,waxa ayna ballan qaadeen in saxaafada ay u soo bandhigayaan jabka cadawga Alle lagaarsiiyay. Ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa ku sii siqaya fariisimaha cadawga,waxa ayna wacad ku mareen in ay sii wadayaan halganka ilaama ciidamada Tikreega laga saarayo ciida Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted December 8, 2006 hope we have clear winner this time around!!! You gonna wait that a long time. Very disappointed the ICU can be dragged into a war that easily. Enemies of Islam succeeded to shed more Muslim blood. Quote Share this post Link to post Share on other sites