Sign in to follow this  
Juje

Breaking News..! TFG ICU at War..!

Recommended Posts

Juje   

First armed confrontation between the TFG and ICU is being reported from Dinsor.

 

Warar Dheeraad ah: Maxkamadaha oo sheegtay in ay qabsadeen gawaari dagaal

War deg deg ah:

Mogadishu 08, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal galabta ka qarxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyadoo maxkamadaha islaamka ay sheegteen in ay qabsadeen gawaari dagaal.

 

Sheekh Ibraahim Shukri oo ah afhayeenka maxkamadaha islaamka ee gobolada Jubooyinka oo shabelle u waramayay, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ciidamo uu wato Col. Barre Hiiraale ay weerar ku soo qaadeen halkaasi, isla markaana ay iska caabiyeen.

 

Sheekh Ibraahim Shukri waxa uu sheegay in ay ku qabsadeen dagaalkii maanta dhacay 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah, isagoo mar wax laga weydiiyay sida uu ku xaqiijin karo arinkaan uu sheegay in xiriiro uu la sameeyay horjoogayaasha ciidamada maxkamadaha ee ku sugan Diinsoor.

 

Xiriir aanu la sameynay dhanka dowladda ayaysan inoo suurto galin in aynu helno.

 

Ma jiro warar ka madax banaan sheegashada mas'uulkaan oo ka hadlay qasaaraha dagaalkaasi oo wali aan la ogeyn, laakiin Sheekh Ibraahim shukri mar wax laga weydiiyay qasaaraha dhankooda soo gaaray ayuu sheegay in ay jiraan dhaawacyo balse si rasmi ah aanu u ogeyn cadadkooda.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo ku dagaalamaya Degmada Diinsoor

Jimco, December 08, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo beryahaan isku horfadhiyay degmada Diinsoor iyo deegaano u dhow.

 

 

 

Sidoo kalena jiritaanka dagaalkan waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay ciidamadooda jooga Degmada Diinsoor ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah.

 

 

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax faah faahin oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ka dhex qarxay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay maalmahan xumeyd isgaarsiinta Degmada Diinsoor.

 

 

 

Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa horaantii todobaadkan waxay qabsadeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan afar degmo oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay horay maamul ugu sameysay, iyadoo taasina ay keentay in ay Dowladda Federaalka halkaasi ciidamo u dirto.

 

 

 

Dagaalkan ka dhex qarxay labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmeysaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaaca loo diro Dowladda Federaalka, waxaana go’aankaasi ka soo horjeestay Maxamadaha Islaamka oo sheegay in haddii ciidamo loo soo diro Soomaaliya ay la dagaalami doonaan, halka Dowladda Federaalkana ay soo dhaweysay Qaraarka ka soo baxay UN-ka oo ay ku tilmaantay mid sax ah oo ay horay u codsatay Dowladda Federaalka.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa jab lixaad leh gaarsiiyay ciidamada Tikreega iyo kuwa la socda ee calooshood u shaqeystayaalka ah ee ku soo duulay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

 

Ciidamo Tikree ah iyo kuwa ka tirsan kooxda C/llaahi Yuusuf ayaa manta ku soo duulay degmada Diinsoor,waxaana jilibka u dhigay ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo dadka deegaanka.

 

Wararkii ugu danbeeyay oo ay shabakada islaamiga Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada maxkamadaha ee ku sugan furinta hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Allaah uu garabkooda ka baxay ciidamadii duulaanka ku soo qaaday degmada Diinsoor,ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa eryanaya Tikreega iyo kuwa la socda ee sheeganaya Soomaalinimada.

 

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aaney haatan ka hadli Karin khasaaraha lagu dhigay cadawga,waxa ayna ballan qaadeen in saxaafada ay u soo bandhigayaan jabka cadawga Alle lagaarsiiyay.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamiga ayaa ku sii siqaya fariisimaha cadawga,waxa ayna wacad ku mareen in ay sii wadayaan halganka ilaama ciidamada Tikreega laga saarayo ciida Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

hope we have clear winner this time around!!!

You gonna wait that a long time.

 

Very disappointed the ICU can be dragged into a war that easily. Enemies of Islam succeeded to shed more Muslim blood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this