Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Somaliland u jooga Djibouti oo Beeniyay War laga Faafiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231001-WA0016.jpg

Jabuuti (Qaran news)- Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed ayaa beeniyay war sheegay in Jabuuti 24 saacadood inuu kaga baxo u qabatay.

Danjire Cabdifataax wuxuu sheegay in xidhiidhka Somalilabd iyo Jabuuti uu marayo heerkii u wanaaagsanaa, wuxuuna tilmaamay in warkaas been abuurka ah ay baahinayaan cadowga Somaliland.

Waxa kaloo uu sheehay inuu socdaal shaqo uu u tagay Hargeysa habeen horena uu ku noqday Jabuuti, waxaanu xusay in wararkaasi laga faafiyay yihiin been abuur cadowgu soo dhoobdhoobay.

Wuxuu sheegay in uu metalo Somaliland isla markaana xidhiidhka labada dal wanaagsan yahay, waxaanu xusay in dhammaan wufuuda Somaliland uu mid waliba la kulmo dhigiisa, halka weftiyada qaarkoodna ay arkaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wuxuu sheegay inuu maxkamad geynayo shaqsiga warkani beenta ah ku faafiyay barta uu ku leeyahay Facebook, warkaasi oo isugu been cad ahaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this